Wasiirka Hawlaha Guud Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Guryaha Qarranku Leeyahay Ee Ay ka Saartay Dadka Shacabka Ah, Kana War Bixiyey Go’aanka ay Xukuumaddu Ka Gaadhay Arrintan

0
30

mucaarid waxaan leeyahay, xukuumada oo kaliya masuuliyadi kama saarna idinkana masuuliyad ayaa idinka saaran dalkana ka daaya qalalaasaha

Hargeysa(Hubaal):-Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta somaliland Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay guryaha la sheegay inay xukuumada somaliland iibisay iyo kuwa la sheegay inay ku wareejisay dad gaar ah.

Wasiirka hawlaha guud oo maanta warbaahinta kula hadlay madaarka caasimada Hargeysa ayaa waxa uu xukuumada ku bar bar istaagay go,aanka ay dadka shacabka ah kaga saartay guryihii ay dawladu lahayd, waxaanu tilmaamay inay ka mid tahay qorshayaasha xukuumada u yaalay inay la wareegto guryaha ay xaqa u leedahay.

Wasiirka Cabdirisaaq Khaliif oo ka hadlaya wararka la xidhiidha guryaha ay dawladu iibisay ayaa waxa uu yidhi “Maalmahan waxa aad ugu badnayd dareenka dadka oo laga sheekaynayey guryo la iibiyey ama guryo la bixiyey, marka koowaadna waxaan cadaynayaa inaanay ahayn wax la qarsanayo ee ay tahay xaq dastuuri ah cida xaq u leh maamulka dhulka, haddii ay ahaanayso in loo kaydiyo qaranka, haddii ay noqonayso in la iibiyo iyo haddii ay noqonayso in la siiyo cid ku haboon oo la hibeeyo cida awoodaas iska leh waa xukuumada xilka haysa ee nin banaanka jooga xilkiisa maaha, qarina mayno oo wax aanu la dhuumanayno maaha hore-na way u dhacday dibna way u dhacaysaa.”

 wasiirka ahwlaha guud

Sidoo kale wasiirka hawlaha guud waxa uu sheegay in la fulinayey go,aan madaxweynaha somaliland ka soo saaray guryaha ay ku jiraan dadka shacabka ah ee ay dawladu leedahay waxaanu yidhi “Madaxweynaha somaliland waxa uu soo jeediyey maadaama dhulkii iyo guryihii dawladu lahayd siday ahaayeen aan looga faa,iidaysan mudo badana ay gacanta dadka shacabka ah ku jireen in la iibin doono loogana faa,iidaysan doono qaab ay kaga faa,iido badan yihiin sida ay hada yihiin, waxaanu ku daray khudbad sanadeedkii 2013-ka, marka aynu tusaale u soo qaadano halka guri ee qof shacab ahi haysto kirada inaga soo gashaa waa $50 bishii dhibaatada soo gaadhana haddii laga hagaajiyo sanadkii waxa uu ku kacayaa $600, ma waxa uu ku faa,iido badan yahay in qaranka looga faa,iideeyo halkii uu qof kaliya ka faa,iidaysan lahaa mis in shacabkii lahaa oo dhana ay ka wada faa,iidaystaan.”

Sidoo kale Wasiir Cabdirisaaq Khaliif ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabeen fulinta go,aanka madaxweynaha ee ah inay dawladu la wareegto guryaha waxaanu yidhi “Iyada oo aanu u tudhayno muwaadiniinta, xaqna ay u leeyihiin inay ku noolaadaan waxay ahayd in go,aanka madaxweyne la fuliyo, waxaanan bilawnay wasaarad ahaan iyo guddidii loo xilsaaray ee xeerka dhulku siinayey, 14 Guri oo ka mid ahaa guryihii ay la wareegeen dadka ganacsatada ahruntiina intooda badani ay danaynayeen, bishii April waxaanu la kulanay oo si qiimayn leh oo taxadir leh aanu ula kulanay dadkii guryahaas ku jiray, waxaanan u sheegnay inay dawladu baahi u qabto guryahaas , anaga oo aan rabin inaanu dadkaas kaga saarno qaab dirqi ah, waanad garan kartaan inta u dhaxaysa bishii April iyo imika,waxaanu u soo jeedinay in guryahan la iibin doono loona diri doono dad madax banaan oo soo qiimeeya, sixirka suuqa ay ka joogaana marka aanu qiimayno aanu muhiimada siin doono dadka ku jira haddii ay iibsan karayaan, haddii ay iibsan kari waayaana cidii heshiis ku jirtay ee gurigana wax galiyey in loo celin doono wixii ka galay haddii uu iibsan karana laga iibiyo.”

Wasiirka hawlaha guud waxa kale oo uu ka waramay sida ay u wajaheen dadkii shacabka ahaa ee ku jiray guryahaasi waxaanu yidhi “Qaybo ka mid ah guryahaasi waxay galeen heshiiskii qaybana may galin waxaana la siiyey digniino kala danbeeya oo gaadhaya mudo afar jeer ah kuwaas oo qaarna lagaga dalbanayo inay lacagta ku soo shubaan qaarkoodna lagaga dalbanayo inay heshiiskii galaan, arintaasi sidii loogu tala galay ayey u dhacday iyada oo aanaan waxba ka tagayn dadkiina heshiis ayaa lala galay, markii ay dhamaadeen digniinihii la siinayey intii aan fulina dawladu ayaa la wareegtay, waxaanay hada ciidanku gacanta ku hayaan sadex guri intii kalana dawlada ayey heshiis la galeen.”

Sidoo kale wasiirka hawlaha guud waxa uu ka hadlay guryaha ay xukuumadu siisay dad gaar ah isaga oo difaacay arintaasi waxaanu yidhi “Waxaan arkayey dad ka hadlaya dad guryo la siiyey, waxaan leeyahay muwaadiniinta somaliland waa isku xaq cidii loo gartana waa la siinayaa hore-na way u dhacday dawladana way ka dhacday, waxaan tusaale idiinku soo qaadanayaa Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin shaqsi ahaan guri ayuu qaatay madaxweyne ku xigeenkiisiina wuu siiyey qaar ka mid ah wasiiradiisiina wuu siiyey, guryahan aanu anagu iibinay ee aanu hada ku darayno miisaaniyada qaranka waxa ku wada qoran waan siiyey kumana qorna waan iibiyey, anaguna waanu qiraynaa waanu iibinay miisaaniyada qarankana waanu ku daraynaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here