Hargaysa:(Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed, ayaa shalay Xadhiga Ka Jarey Dayr biyaha looga Sameeyey Dooxa Degmada Dila Dhexmara.
Mashruucan Xaydaabka Loogu Sameeyay Dooxa Degmadda Dill ayaa Sidoo Kale Waxa Ku Jira Dayactir Lagu Sameeyey Saddex Bali Oo Dooxa Ku Dhex Yaalay.
Samaynta Deyrkan Ayaa Ka Danbeysay Markii Uu Daad Ku soo Fatahay Degmadda Dilla Sannadkii Hore Keen satay Dhimasho 5 qof Ahayd , Maalintii Masiibadaasi Dhacaday Ayaa Wafti Balaadhan Oo Uu Kamid Ahaa Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Balan-qaaday In Xaydaab Looga Sameyn Doono Dooxa Magaaladda.
Dhinaca Kalana Dayactir Lagu Samayn Doono Baliyada Soo Jabay shalay Oo Bishu Tahay -04-2017 Ayaa Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Cali Xasan Maxamed Xadhiga Ka Jarey Dayrkaa Dooxa Looga Sameeyey Degmadda Iyo Dayactirka Baliyadda.
Waxaana Madasha Xadhiga Ka Jarista Ka soo Qeyb Galay Duqeytida Iyo Odoyaasha Degmadda, Maamulka Degmadda, Maamulka Gobolka Awdal, Xisaabiyana Guud Ee Qaranka, Maareyaha Hayaadda Wadooyinka iyo Wasiirka Hawlaha Guud.
Ugu Horey Odoyaasha Degmadda Dilla ayaa Madasha Ka Hadlay Waxaanay Si Wayn Ugu Mahadnaqeen Wasiirka Hawlaha Guud Oo Ay Sheegeen Inuu Ka soo Baxay Balantii Uu Uqaadey, Waxaanay Tilmaameen In Aan Maanta Loo Baqo Qabin Magaaladda Laakiin Intaan Lagu Sameyn Xaydaabkan Ay Magaalado Doox Dhex Taalay.
Maayirka Degmadda Dilla Ayaa Isna Dhinaciisa U mahad celiyey Wasiirka Hawlaha Guud Oo Usheegay Inuu Usoo Gurmadey Magaaladdan Oo Dayacneyd, Wuxuu Sheegay In Degmadda Dilla Doox Dhex Taalay Ka Hor Intaan Xaydaabka Dooxa Maanta Looga Dhigin Maantana Amaan Kaga Jirto Biyo Kasta Oo Ku Yimaada. Maareeyaha Hayadda Wadooyinka Mudane Xasan Cali Cismaan Ayaa Sheegay In Ka Wakaaladd Ahaan Iyagoo Fulinaya Amarkii Wasiirka Hawlaha Guud Ee Ahaa In Biyaha Laga Leexiyo Oo Xayndaab Looga Sameeyo Biyaha Roobka Ee Dooxan Maraya Ayaa Maanta Ujoogaan Mashruucaas dhameystirkiisii, Waxaanu Tilmaamay In Dhinaca Kale Balayadii Soo Jabay Ee Biyuhu Kasoo Fataheen In Iyagana Dayactireen.
Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Mustafe Shiine Ayaa Isagu Umahadceliyey Wasiirka Hawlaha Guud Ee Balanqaadkiisii Maanta Xadhig Ka Jarkiisa Ujoogaan, Waxaanu Bigaadiyey Hayadda Wadooyinka Iyo Farsamo Yaqaanadeeda Ee Iyadu Ku Dadaashay In Xaydaabkaa Sameeyaan Dhinaca Kalana Dayactiraan.
Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiika Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Madasha Hadalo Kooban Ka Jeediyey Dhinaca Kalana Xadhiga Ka Jaray, Waxaana Hadaladiisa Kamid Ahaa.
“Mashruucan Maanta Halkan Xadhiga Lagaga Jarayo Iyo Kuwa Kale Ee Dalka Ka Socdaa Waa Masuuliyadda Dawladu Uhayso Shacabkeeda Iyo Qarankeeda, Maalintii Halkan Aynu Ka Balnqaadeynay Iyo Maanta Waad Aragtaan Farqa Udhaxeeya, Maanta Magaaladu Waa Amaan Oo Dayrkaa Weyn Ayaa Looga Dhigay Dhibaata Biyuhu Keenaan”.
Intaas waxa uu ku daray wasiirka hawlaha guud isaga oo hadalkiisa siiwata.”Daydweynaha Degmadda Waxaan Ku Boorinayaa Inay Ka Fogaadaan Meel Dhibtu Ka Iman Karto, Maamulka Degmaduna Waa Inay Ka Shaqeeyaan Sidii Aanay Dib Usoo Laabateen Mashaqo Danbe Oo Dad Inagaga Dhintaan, Wasaaradda Hawlaha Guud Gobolkan Mashaariic Baddan Ayey Kawadaa Dhammaantoodna La Rabo In Lagwada Hawl-galo