Wasiirka Khaarijiga Ee Dalka Turkiga Oo Marti-qaad U Fidisay Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Socdaal Ku Jooga Wadankaas

0
95

Akhri Nuxurka Arimaha Ay Wasiir Mevlüt Çavuşoğlu & Wasiir Cali Marreexaan Ka Wada Hadleen

 

Istanbul (Hubaal) – Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Hassan Maxamed Oo Socdaal Ku Jooga Waddanka Turkiga Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Turkiga Mr. Mevlüt Çavuşoğlu. Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Turki-ga u dhexeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo sidii Turki-gu door muhiim ah uga qaadan lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland ee dhinaca waddooyinka. Wasiirka Arrimaha Debeda Dalka Turkey-ga Mr. Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay in iskaashiga dhanka kaabayaasha dhaqaalaha oo Somaliland laga taageero tahay mudnaanta Kowaad, markastana ay diyaar u yihiin xaajintiisa, waxaanu Somaliland iyo shacabkeeda ku amaanay nabada gaamurtey ee ku timi kalsoonida shacabka iyo dawladda ka dhexaysa. Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Md Cali Xasan Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland Iyo Turkey-g uu ka dhaxeeyo xidhiidh soo taxnaa ilaa 500 oo sannadood, wuxuun tilmaamay in isku dhawaanshahaa iyo isdhexgalka labad shacbi suurtagalisay shacbiga labada Dal. Wasiir Cali Mareexaan ugu dambeyntii inta ku daray iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed kuwaas oo Turky ka hirgaliyey Somaliland kuwaas oo Wasiirku hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub oo wanaajin karta xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland iyo Turky, waxaana uu sheegay Wasiirku in dawladda Somaliland diyaar u tahay adkaynta iyo wanaajinta xidhiidh kaasi gaamurey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here