Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Xilka Qaadis, Magacaabis Iyo Isku Badal Ku Sameeyay Qaar Ka Mida Maamulayaasha Kastamada Dalka

0
68

Wareegtada Wasiirku Waxaa Ay Xilalkoodii Saamaysay Maamuleyaashii Kastamka Berbera, Caasha-caddo, iyo ku xigeenkii kastamka Kala-baydh

Hargaysa (Hubaal) –  Wasiirka Wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa shalay  oo ay bishu tahay 04/02/2018  waxa uu Magacaabis,isku badal  Iyo xilka Qaadis ku sameeyay Qaarkamida Maamulayaasha   dalka.  Maamuleyaasha uu xilalkii ka qaaday waxaa ka mid ah  Maamulihii kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan,  Maamulhii kastamka Caasho Cado Maxamed Xaaji Mahdi, Maamule kuxigeenkii kastamka Kalabaydh Mustafe Riiraash.

Sidoo kale wasiirku waxa uu     Maamulihii Kastamka Abaarso Maxamed Ismaaciil waxa laga dhigay maamule kuxigeenka kastamka Berbera. Halka kastamka Abaarso loosoo magacaabay masuul cusub. Maamulayaasha  cusub ee uu Umagacaabay Wasiirku Ayaa Waxay kala Yihiin;

Cumar Xasan Caalin waxa loo magacaabay Maamulaha Kastamka Kalabaydh

Maamulaha Kastamka Berbera Cabdiraxmaan Cirro

Maamulaha Kastamka Abaarso, Cabdilahi Aadan xirsi

Maamule kuxigeenka Kastamka Saylac waxa uu u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali

Maamulaha Kastamka Caasho Cado Maxamed Cilmi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here