Hargeisa, (Hubaal) – Wafti xukuumadda ka tirsan oo ay hogaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan isla markaana ay qayb ka yihiin Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, Maayirka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, Badhasaab ku xigeenka Buuhoodle, madaxa hay’adda samo-falka dawladda marwo Aamiina Maxamuud Diriiye iyo koox dhakhaatiir ah oo Masaari ah ayaa maanta biyo, cunto iyo dawooyin gaadhsiiyey deegaanka Coodanle oo ka tirsan gobolka Buuhoodle oo ay ku soo baro-kaceen dadkii abaartu ku habsatay oo iyagu iskaga kala yimid gobolada Sool, Sanaag, Saraar iyo qaybo ka mid ah Togdheer.
Waftigan ayaa sidoo kale kormeer kusoo maray Riiga biyaha ka qodayo Coodanle oo isagu mudo saddex maalmood ah sida la sheegay ku gaadhay biyo, isla markaana la filayo inuu wax badan ka tari doono biyo la’aanta ka jirta deegaankaas ay kusoo urureen dadka abaaruhu soo baro-kiciyeen. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale indhahooda ku soo arkey dadkii iyo xoolihii oo labadaba ay jilcisay abaartu, isla markaana ay haraadka u raaceen cunto la’aan iyo caafimaad daro.
Sidoo kale kooxda dhakhaatiirta ah ee la socday waftiga wasiirka ayaa markii ay deegaanka Coodanle gaadheen markiiba iyagu bilaabay hawlihii dawaynta dadka jilicda-san iyo xoolahooda-ba.
Wasiir Samsam oo iyagu halkaasi ka hadashay ayaa Madaxwaynaha Somaliland ku amaantay kaalinta uu kaga jiro gurmadka dadka abaaruhu ku habsadeen, taas oo sheegtay inuu amar ku bixiyey in waxkasta oo suurta-gal ah in loo qabto muwaadiniinta reer Somaliland ee abaaraha dalka ka dhacay ka saareen xoolahoodii, isla markaana la ildaran haraadka iyo gaajadda.
Wasiirka maaliyadu waxay baaq u dirtay bulshadda Somaliland iyo guud ahaan beesha caalamka, taas oo xustay in dawlad iyo shacaba loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado sidii loogu gurman lahaa dadkaas abaartu hayso.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadashay wasiirka maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo iyadu todobaadkan markii labaad ku noqotay deegaanada ay ku soo baro-kaceen dadka abaartu ku dhacday ee Coodanle, iyadoo arrimahaasi ka hadlaysana waxa hadalkeedii ka mid ahaa “Ilaahay waxaanu ka baryeynaa inuu inaga jabiyo abaarta, dadka halkan iskugu yimid aad bay u badan yihiin, dhibaataduna aad bay u balaadhan tahay oo biyo la’aan iyo raashin la’aan baa jirta, mida kale hadii dadkan la rari lahaa qaar baa wata 500 geel ah iyo ka badan oo adhi ah, markaa ma suurta-galayso in dadkan kaam la iskugu geeyo. Maalintii hore woxogaa raashin ah baanu keenay halkan oo waxa nala socday qolada Samsam Foundation oo 400 qoys raashinkoodii oo isku jira sonkortii, daqiiqdii, saliidii iyo timirtii iyagu siday”.
Wasiirka maaliyadu mar ay ka hadlaysay waxa ay gaadhsiiyeen dadka abaaruhu ku habsadeen, waxa hadalkeedii ka mid ahaa “Waxaanu ku soo darnay 500 buste, 88 kartoon oo kaluun ah iyo 500 caano ah, waxa kale oo ay qoladan Samsam Foundation keentay dhar caruurta iyo dumarkuba xidhan karaan. Mida kale maamulkan gobolka Togdheer iyaguna maanta waxay keeneen 20 booyadood oo biyo ah, waxaananu ku tashanay inaanu ku wareejino ciidanka qaranka ee jiidan jooga iyo guddida abaaraha si baabuurta dushooda loogu qaybiyo alaabta isla markaana mihiimada loo kala siiyo sida ay u kala mudan yihiin. Dhakhaatiirtii Masaarida ahayd iyaguna waxay maanta halkan ku daweeyeen boqolaal dadwayne ah iyo xoolahoodii, markaa dhibaatada halkan ka jirtaa aad bay u baaxad wayn tahay”.
Wasiir Samsam iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay intaasi raacisay “Insha Allaah waxaanu arintan oo ah mid aad u adag aanu kula noqon doonaa Madaxwaynaha Qaranka oo isagu mar walba arintan xil iska saarayey isla markaana hore noogu amray in riig la keeno deegaanadan si degdeg biyo loogaga soo saaro. Waxaana inala gudboon inaynu ducaysano dhamaanteen oo aynu Ilaahay barrino si uu inoogu shubo raxmadiisa Insha Allaah”.
Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo Maayirka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, kuwaas oo tilmaamay inay xaalad adag ku sugan yihiin dadka deegaanka Coodanle iskugu soo ururiyey oo ay sheegeen inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo ka balaadhan ka ilaa imika soo gaadhay.
Masuuliyiintan heer gobol iyo heer degmo waxay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiirka maaliyadda marwo Samsam ku amaaneen dededaal ay sheegeen inay u galeen sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu ku haleeleen deegaanadda bariga Somaliland, kuwaas oo tibaaxay inay door mihiim ah ay ka qaateen arrimahaasi.
Ugu danbeyn waxay xildhibaanada golaha deegaanka ee Buuhoodle halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen wasiirka maaliyadda marwso Samsam Cabdi Aadan oo ay ku tilmaameen shaqsi u hagar baxday dadka ay ku habsadeen abaaruhu, taas oo ay ku amaaneen iyada iyo madaxwaynaha-ba doorka ay ka qaateen gargaarka dadkaasi.