Wasiirka Maaliyadda Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Dad Danyar Ah Oo Ku Sugan Degmadda Daara-Salaam

0
70

“Waxaan Idinka codsanayaa Inaad Sidii reer Gabiley Usoo dhaweysaan dadka abaaraha kasoo hayaamay ee ka yimid deegaanada kale ee Somaliland”Wasiir Samsam Cabdi Aadan

1

Hargeisa, April 11, 2017 (H) – Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida abaaraha ee heer qaran, maamulka degmadda Daara-salaam iyo xubno haween qurbo joog ah ayaa shalay deeq raashin ah gaadhsiiyey dad danyar ah oo ku sugan degmadda Daara-salaam ee waqooyiga Magaaladda Hargeisa, kuwaas oo ay iskugu jiray dad u dhashay deegaankaas iyo in ka badan 150 qoys oo iyagu kasoo hayaamay deegaano barriga iyo hawdka Somaliland ka mid ah oo mudooyinkii u danbeeyey halkaasi deganaa.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay heedh-tuulaha Ilinta-dhexe Cabdiraxmaan Qodax, xoghayaha degmadda Fu’aad Sheekh Ibraahim Kooshin, guddoomiyaha  degmadaas Cabdikariin Cali Maxamed, kuwaas oo iyagu ka warbixiyey xaalada dadka deegaankaasi ku sugani ku sugan yihiin, kuwaas oo fariin u diray ganacsadata iyo guud ahaan shacbiag dalka oo ay ka codsadeen inay gurmad la soo gaadhaan dadkaas abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Maroodi Jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), kaas oo bogaadiyey dadka deegaankaas oo uu ku amaanay sida ay usoo dhaweeyaan dadka ka soo hayaamay deegaamada kale ee dalka, waxaanu sheegay inay waxkasta oo karaankooda ah ka xukuumad ahaan la qaban doonaan dadkaasi.

Waxa isaguna halkaasi hadalo iskugu jira dardaaran iyo duco ka jeediyey Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah guddida abaaraha ee heer qaranka, kaas oo ka warbixiyey xajmiga abaarta dalka ka jirta, isagoo Ilaahay uga baryey inuu raxmadiisa u shubo, isagoo dadkana ku guubaabiyey inay soo dhaweeyaan dadka aan deegaaadaasi u dhalinin ee kasoo hayaamay abaaraha. Ugu horayna Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu ka hadlaysa arrimahaasi waxa ka mid ahaa hadaladeedii “Waxaan u mahadnaqayaa maamulka degmadda iyo guddida abaaraha ee heer degmo iyo heer qaranba oo iyagu si hagar la’aan ah noola shaqeeya, kuwaas oo diyaar u ah duruufkasta oo la soo gudboonaata inay ugu adeegaan dadkooda abaaruhu hayaan”. Wasiir Samsam iyada oo hadalkeeda sii wata waxay intaas raacisay “Waxaan bulshadda deegaanka ka codsanayaa oo aan ugu baaqayaa inay soo dhaweeyaan dadka abaaraha kasoo hayaamay ee ka yimid deegaanada kale ee Somaliland, kuwaas  oo imika deegaanka Daara-salaam intaanu ognahay ay ku sugan yihiin in ka badan 150 qoys oo soo-guurto ah, isla markaana xoolahoodii ka baxeen. Reer Daara-salaam waxaan leeyahay sidii gobonimada lahayd ee reer Gabiley u soo dhaweeyeen walaalihiina abaaraha kasoo hayaamay oo sida reer Gabiley oo kale ayaa la idinka filayaa ee soo dhaweeya walaalihiin, waxaan imika soo maray meelihii dadku inay degaan loo diiday ee xoolaha laga ooday oo aanu roob ka di’in iyo deegaankii dadka soo dhaweeyey oo Ilaahay qaboojiyey roobna heley, markaa halkaa waxaad ka garan kartaan marka aad isku naxariisataan sida uu Ilaahay idiinku naxariisanayo”.

Dhinaca kale xubno ka mid ah haweenka qurbo jooga ah ee reer Hargeisa ayaa iyagu dalal kala duwan kasoo diray lacag qadarkeedu dhan yahay 4,830 doollar, isla markaana soo wakiishay Marwo Ardo oo iyadu ku wareejiyey Sheekh Maxamed Aadan lacagtaas oo ay ugu talo-galeen inay kaga qaybqaataan abaaraha dalka ka taagan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here