Hargeysa, (Hubaal) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo tan iyo markii xilka wasaaradda Maaliyadda ay qabatay ka hadashay dakhligii ku-talo-galka ahaa ee odoroska Miisaaniyadda Dawladda ee 2015, ayaa sheegtay in si aad ah uu u kordhay dakhliga u soo xerooday ilaa hadda, isla markaana uu jiro dakhli dheeraad (surplus) ku ah ku-talo-galkii bilahan hore u qorshaysnayd inuu soo baxo.
Marwo Samsam oo u waramaysay Laanta Afka Soomaalida ee idaacadda BBC-da ayaa sidoo kale sheegtay in aanu jirin kharashyo badan oo ay ka joojiyeen wasaaradaha, balse keliya ay wax ka bedeleen kharashyo aad daruuri ahayn oo ay wasaaradaha iska wada arkeen, kadibna markii ay isla garteen inaanay ahayn daruuriyaad ay wax ka bedeleen.
Ugu horeyn wasiirka Maaliyadda oo ka jawaabaysa warar sheegay in hoos u dhac ku yimid dakhligi ku-talo-galka Miisaaniyadda 2015, ayaa waxay tidhi: “Dakhligii hoos umuu dhicin, dakhliguna waa dakhli xilliyeed (Seasonal). Tiiyoo wakhtigan ay ahaan lahayd wakhtigii uu dakhligu hooseyn lahaa, illaahay amarkii aad buu u kacay, oo imika intaas oo dollar ah maanaan gelin karnayn suuqa haddii aanu dakhli farabadani jirin. Imika waxaanu haynaa mushaharka afar bilood loogu talo-galay, laakiinse waxaad haysato waa inaad ku tashataa, dabcan Yemeni saameyn bay inagu yeelanaysaa, markaa waa inaynu ka sii gaashaamanaa inaanay saameynta Yemeni waxba ina yeelin, waana taas ta aanu samaynay, oo lacag aan loo baahnayn oo la isticmaali jiray, meelo aan loo baahanayn kharash geli jiray, ayaanu xakamaynay. Haa, kuwaasi way odhanayaan dakhligii wuu yaraaday, laakiinse ma jiro dakhli yaraaday, waanan ku soo tusi karaa dakhligu siduu u kordhay.
Marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ka jawaabay su’aal la xidhiidhay inay jiraan wasaaraddo iyo hay’ado dawli ah oo kharashyo sida shidaalka, dayactirka gaadiidka iyo casuumaddo Miisaaniyadda ugu jiray laga gooyay, waxay tidhi: “Wax aad ah kamaanu jarin, laakiin waanu la tashanay, oo wasaaraduhu iyaguba way garanayaan marka odoroska Miisaaniyadda la samaynayo waa mala-awaal, cid walibana waxay is-odhanaysaa wax iskaga darso, balse qolo waliba way ogtahay wixii muhiimad u ah, dadkuna waa dad dalka wada danaynaya oo ka wada shaqeeya, Runtiina wasaarad walba markaanu wada fadhiisanay waxyaabaha aanay u baahnayn ee ay ugu darsadeen uun lacala haddii hedhadhka qaar ka yaraadaan hadhow ku bedelatid, haa dabcan waanu ka wada tashanay, waxyaalaha aan aad loogu baahnayn ee aan daruuriyaadka ahayn ee budget-ka ku jira meelaha qaar waa la yareeyay. Laakiin dakhligu si fiican oo illaahay inala qabtay ayuu u kordhay, oo imika hadaad tagto Kastamada Wajaale, Berbera oo kale, dakhliga waxaa soo baxay dheeraad aan loogu talo-gelin (Surplus).”
Ugu dambayntii wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa ay sheegtay in aanay waxba iska dhimmi doonin ku talo-galkii Miisaaniyadda 2015 ee qaranka Somaliland, taas oo dhamman 251 Milyan oo USD, taas oo Miisaaniyadda dawladda dhexe ka ahayd 180-ka Milyan ee dollar.