Shirguddoonka Oo Sheegay In Maalmaha Salaasada Iyo Arbacada Laga Doodi Doono Miisaaniyadda, Sabtida Soo Socotana Loo Codayn Doono
“ Siyaasada Miisaaniyadda 2019 Waxay Si Cad U Tilmaamaysa Bartilmaameedka Miisaaniyadda 2019, Taas Oo Ku Salaysan Qorshaha Horumarinta Ee Qaranka (NDPII) Iyo Balanqaadka Xisbiga Talada Dalka Haya Ee Kulmiye” Wasiirka Maaliyada Somaliland oo hor tagay golaha Wakiilada, Warbixina ka siiyay miisaaniyada 2019
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay hor tagay golaha Wakiilada, islamarkaana waxaa uu war bixin ka siiyay miisaan-yada sanadka 2019 ee dawlada Somaliland.
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ee JSL oo uu guddoominayay guddoomiyaha golahaas Baashe Maxamed Faarar ayaa waxaa xildhibaannada Golaha la horkeenay odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2019. Ugu horayn furitaanka Gudoomiyaha kadib waxaa Golaha Warbixin ku saabsan Miisaaniyada ka hor akhriyay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo Guud ahaan uga warbixiyay Xildhibaanada waxa ay ku saabsantahay miisaaniyadu iyo meelaha xooga la saarayo sanadka soo socda. Wasiirku waxa uu sheegay in ugu horayn Miisaaniyadu ay ka koobantahay Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Miisaaniyadda Hayadaha Madaxa banaan ee Dawladda, Miisaaniyadda Dawladaha Hoose, Miisaaniyada Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Deeqbixiyeyaashu (Somaliland Development fund). Isugeynta guud ee miisaaniyada sannadka 2019 waa 2,334,320,463,251. Miisaaniyadda dawladda dhexe waa 1,823,975,720,000 SLSH, taas oo ka badan tii hore 136,975,720,000 SLSH oo u dhiganta 8%.
Wasiir Sacad waxaa uu sharraxay qaybaha ay miisaanniyadu ka kooban tahay, farqiga u dhexeeya sanadkan iyo kii hore iyo weliba xadiga ay tahay. Wasiirku waxa uu sheegay in Dakhliga Miisaaniyadda 2019 ee dawladda dhexe ay sanadkii hore ahayd 1,687,000,000,000 halka ay sanadkan ka tahay 1,823,975,720,000, farqiga u dhexeeya labada sannadoodna uu yahay 136,975,720,000. Sidoo kale Miisaaniyadda Hayadaha MadaxaBanaan ee sanadkan ayaa wasiirku sheegay inay sanadkii hore ahayd 115,504,536,652, sanadkan 2019kana ay tahay160,756,179,150, faraqa u dhexeeyaana yahay labadooda 45,251,642,498. Sidaasi si la mid ah ayaa Miisaaniyadda Dawladaha Hoose ee sanadkii hore ayaa ahayd 284,419,791,039, sanadkan halka ay ka tahay255,490,228,023, kala goynta labadooduna waa -28,929,563,016. Miisaaniyadda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee sanadki hore waxa uu ka koobnaa 79,598,658,078, sanadka 2019kana waa 79,598,658,078 iyada oo aanu wax faraq ah oo ay is dheeryihiin jirin doorkan. Miisaaniyadda Mashaariicda Baanka Aduunka ayaa sanadkan iyo kii hore isku mid ahaa iyada oo ay ka koobnayd 45,704,269,080. Miisaaniyadda Mashruuca JPLG ee sanadka 2018ku waa 52,260,000,000 sanadkan halka uu ka yahay 14,499,678,000, kala goyntooduna ay tahay -37,760,322,000. Sida oo kale wasiirku waxa uu ka hadlay siyaasada Miisaaniyada 2019. Siyaasada Miisaanniyadda 2019 waxay si cad u tilmaamaysa bartilmaameedka miisaaniyadda 2019, taas oo ku salaysan qorshaha horumarinta ee qaranka (NDPII) iyo balanqaadka xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, waxana uu yidhi Md. Sacad isaga oo arrimahaas ka hadlaya “waxaa ka mida qodobada muhiimada ay saarayso Miisaaniyadda 2019. Amniga, Xoojinta Tayeynta Garsoorka, Waxbarashada, Biyaha & Caafimaadka, Xoolaha, Kalluunka & Beeraha. Aqoonsi Raadiska, Doorashooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Tamarta & Macdanta, Deegaanka & Aafooyinka, Daryeelka Shaqaalaha, Xog ururinta.
Warbixintaa kadib waxaa fadhiga soo xidhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo sheegay in Miisaaniyada loo dhiibay Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada. Iyadoo maalinta Axadana uu Goluhu fasax ahaan doono lana shaqayn doono badalkooda maalmaha Salaasada iyo Arbacada. Sabtidana loo codayn doono Miisaaniyada Qaranka ee 2019.