Wasiirka Maalliyada Oo Guddida Dhaqaallaha Ee Wakiillada Uga Xog Warrantay Miisaaniyadda Qaranka

0
28

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maalintii shalay kulan lagu lafo gurayey Miisaaniyad Sanadeedka 2016-ka ee qaranka la yeelatay Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, isla-markaana saxaafaddu dibadda ka joogtay, ayaa markii uu soo dhammaaday, waxa warbaahinta  si wada jir ah ula hadlay Guddoomiyaha Guddida dhaqaalaha Xildhibaan Cumar Sanweyne iyo Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxana ay faahfaahin ka bixiyeen waxyaabihii labada dhinac ka wada Hadleen.waxbarasho samsam

Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka wakiillada dhaqaalaha u qaabilsan Xildhibaan Cumar Sanweyne waxa uu sheegay inay wasiirka si hufan isula gorfeeyeen Arrimaha miisaaniyadda iyo meelaha laga fuudh yeelay, “Wasiirka  waxanu ka wada hadlaynay arrimo la xidhiidha miisaaniyadda Golaha hortaalla iyo sida loo jaan gooyey. Waxanu isla rog-rognay arrimo badan oo goobaha sanadkan muhiimadda la siin doono inay ku haboon yihiin iyo inaanay ku haboonayn ku saabsan, ayaanu isla eegnay, waana isku qancinay inaanu wixii macluumaad ah ee naga dhiman soo korodhsano.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Sanweyne.

Sidoo kale wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi  Aadan oo iyaduna Halkaasi ka Hadashay, ayaa waxa hadalladeedii kamid ahaa,“waxanu la kulanay Guddi hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada ay Miisaaniyadda lago guri doona, isla-markaana horgeyn doona Golweynaha, iyagaana ka jawaabi doona wixii su’aalo ah ee Goluhu ka qabo, wixii ay walaac ka qabaanna way na weydiiyeen oo ay doonayaan inay ka helaan xogo ka badan kuwa aanu soo qornay, meelaha qaarna wasaaradaha ay khusayso ayaa looga baahday, laakiin gebi ahaanba waxanu  isla garanay inay miisaaniyaddani tahay mid wanaagsan, sidaasna waanu ku heshiinay oo isla afgaranay.”

Guddida dhaqaalaha ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda Goleweynaha soo hordhigto Miisaaniyadda, isla-markaana ay warbixinta Miisaaniyadda oo faahfaahsan akhriskeeda bilaabi doonaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here