Wasiirka Maalliyada Oo Raashin U Qeybisay Qoysas Ay Abaartu U Soo Hayaamisay Degmada Daarasalaam Ee Waqooyiga Hargeysa

0
62

Wasiir Samsam Waxaa Gurmadka Ay Qeybinaysay Ku Wehelinayay Maayarka Hargeysa Iyo Agaasimaha Samo-falka Madaxtooyada

17918536_10212694877517192_1737138973_n

Hargeysa, (Hubaal)  – Wefti ay hogaaminayso Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan, Maayarka Caasimada Hargeysa, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada, Xubno ka tirsan guddida Abaaraha, Gudoomiyaha degmada Daarasalaam iyo hay’adda Samafalka ee Cafif Alkhayriya oo fadhigeedu yahay dalka Qatar ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey dad ku soo hayaamay deegaanka Daarasalaam ee Waqooyiga Hargeysa.

Deeqdan Raashinka ah oo loo qaybiyey 400 qoys ayaa waxa ku soo deeqay hay’adda Cafif Alkhayriya oo fadhigeedu yahay dalka Qatar, waxaanay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadashay ay hay’adda uga mahadnaqday deeqdaasi ay soo gaadhsiiyeen dadkan Abaaraha ku tabaaloobay waxaanay tidhi Marwo Samsam “Maanta waxa inoo soo gurmatay hay’adda Cafif Al-khayriya oo ka socota dalka Qatar oo qoladan agoomaha Kuwait-na la shaqaynayeen oo runtii arkay dadku siday u dhibaataysan yihiin oo ay ugu baahan yihiin raashinkan. Runtiina aad baanu ugu mahadnaqaynaa iyaga in illaahay wax khayr qaba uu siiyo” ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay intaasi ku dartay in xukuumad ahaan aanay waxba ka hagranayn oo ay tahay in meel walba la gaadhsiiyo wixii la gaadhsiin karo.

17862867_10212695051081531_5741823658373456259_n

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wakiilka hay’adda Cafif Charity Cabdiqaadir Axmed Maxamed, waxaanu faahfaahin ka ka bixiyey deeqdan raashinka ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadka reer guuraaga ah ee ka soo hayaamay abaarta baahsan ee ka jirta dalka gaar ahaana gobolada bariga oo ay dadkani ka soo hayaameen waxaanu yidhi “Hay’addan Cafif Al-khayriya oo run ahaanii ah hay’add Qatariya oo maanta waddanka ku cusub ayaa raashinkaasi 400 ee qoys ah oo ka kooban daqiiqdii, Bariiskii, Sonkortii iyo timirtii ka kooban, waana raashin bilk u filan qoyska aad iyo aadbaanan ugu mahadnaqaynaa hay’addaas in Illaahay meeshii ay ka soo saareen uu badal khayr qaba uu siiyo”.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, waxaanu yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa hay’adda Cafif oo iyadu deeqdan raashinka ah keentay, waxaan leeyahay illaahay ha idinka abaal mariyo.

Dadkan waxa jira qaar intay Sanaag ka soo guureen ka soo noqday ilaa Wajaale oo halkan yimid Daarasalaam, kuwaas oo maanta halkan raashinka loogu qaybinayo”.

Aamina Maxamuud Diirye, Agaasimaha xafiiska Samafalka Madaxtooyada oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay “Raashinka maanta halkan lagu qaybinayo oo gaadhaya 400 qoys oo qayskiiba la siinayo (Haaf Bariis ah, Haaf Sonkor ah, Haaf Daqiiq ah, iyo Afar Kiiloo oo timir ah iyo Caagad Saliid ah), aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa hay’addaa Cafiif Al-khayriya ee keentay iyo African Relief Committee oo hogaaminta lahayd oo mar walba dadkooda u gargaara aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here