Hadalada iska soo horjeeda ee labada Dawladood isku weerareen oo dhamaystiran
Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Xusseen Cabdi Ducaale ayaa Jawaab Kulul ka bixiyey Hadal ka soo baxay Dawlada Somaliya waxanu Wasiirku sheegay in goobta Shiidalka laga baadhaya ay tahay Dhul Somaliland, isla markana ay deel Qaaf u arkaan Qoraalka ka soo baxay Somaliya.
“Horta waxan ku cadeynayaa in meesha laga hadlayaa ay tahay goob ku talla Dhulka Somaliland, Qoraalka ka soo baxay Somaliyana waan Akhriyey waxa uu yahay farriin Deel qaaf ku ah Somaliland, runtii Labba Dawladood ayaanu kala nahay Somaliland iyo Somaliya waxana wacan in la ilaaliyo walaaltinimada iyo Heshiiskii Labbada dal ay gaadheen, Shirkadani waa Shirkad Shiine ah oo ka diwaangashan Somaliland muddo dheerna joogtay Sharcina ku joogta, hawlaha ay Somaliland ka waddaana ay yihiin Macdan baadhis oo runtii meel Fiican oo Biloow ah Maraysa, Shirkadani markii heshiiska aanu la galaynay waxaanu eegnay xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan Heshiisyada dhammaan kuwaasina way ka soo baxday, Hadalka aad leedahay Dhuumasho ayey Somaliland ku joogtaana waa war aan Sax ahayn, haddii aad soo Xigatay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho anaga nama khusayso xidhiidhka dhex maray Safaaradasi iyo Masuuliyiinta Dawlada Federaalka.”
Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Xusseen Cabdi Ducaale waxa uu Been abuur cad ku tilmaamay in wax Barokicin iyo qalaalase ah ka jiro Buuraha Siimoodi ee ay baadhista macdantu ka socoto.
Hadalka wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa ka dhashay war ka soo baxay Dawladda Federalka Somaliya oo lagu baqo galinayey shirkadda Shiinaha ah ee Gobolka Awdal ka wada hawsha Macdan qodista kaasoo u dhignaa sidan:-
“Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somaliya waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, kadib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaaradda.
Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walwal ka muujnayso sidii horayba u dhacday, in shirkadaha sharci-darrada dalka ugu aasaya badda iyo barriga Somaliya.
“Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysaa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baadhista sharci-darrada ah ee ay ka waddo Soomaaliya, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon,” ayay wasaaraddu tidhi.
Waxaa kaloo lagu yidhi qoraalka wasaaradda. “Dowladda Soomaaliya waxay ujeedinaysaa dawladda Shiinaha in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aanay ka qayb-qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.”
Dhanka kale, waxaan uga digaynaa dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baadha inay galaan heshiisyo sharci-darro ah oo heer-koodu ka hooseeyo hab-dhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Somaliya, kuna qaataan si raqiis ah oo aan sharciga dalka iyo kuwa caalamiga ahba waafaqsanayn.
“Dowladda federaalka Soomaaliya mas’uul kama aha wixii dhibaato ah ama khasaare ah ee soo gaadh shirkadaha sida sharci-darrada ah Somaliya kusoo gala,” ayay mar kale tidhi wasaaraddu. Iyadoo shirkadda ARC ka dalbatay in ay si deg-deg ah u joojiso hawlaha ay wado, dalkana isaga baxdo.
waaheenmedia