Wasiirka Macdanta Oo Seedigii Qandaraas Ku Siiyey $2.5 Milyan Oo Lagu Wacyi-Galinayo Dadka Ku Nool Deegaanada Shidaalka Laga Baadhayo

0
32

Hargeysa: Wasiirka Macdanta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa qandaraas ku siiyey nin seedi u ah oo la yidhaahdo Siciid Xasan Sheekeeye mashruuc qiimihiisu yahay $2.5 Milyan oo shirkadaha shidaal baadhistu ugu tala-galeen in lagu wacyi-galiyo
dadka ku nool deegaanadda ay ka hawl-galayaan. Bishii September 2013-kii ayaa waxa dalka si lama filaan ah uga baxday shirkadda Genel Energy oo ah shirkadaha heshiisyada shidaal baadhista ah kula jira wasaaradda Macdanta ta ugu wayn ka dib markii ay isku
dhaceen hawl-wadeenadii shirkadaasi iyo dadkii ku noolaa deegaanka Saraar ee ay wax ka baadhaysay.

Wasiirka-Macdanta
Masuuliyada isku dhacan ayaa waxa dusha laga saaray wasiirka Macdanta oo ahaa cidii u dhaxaysay shirkadda Genel iyo dadka deegaanka, iyadoo wasiirka lagu eedeeyey inuu shirkadda Genel u fasaxay inay hawlaheeda bilawdo tii-yoo aan wali la qancin xoolo-dhaqatada deegaanadaasi oo iyagu qabay shaki iyo walaac ah in hawl-galkan shidaal-sahamintu uu waxyeelo u geysankaro deegaanka sida dhirta, daaqa iyo biyaha ee ay xoolaha ay dhaqdaan ku noolyihiin. Waxyaabaha kale ee soo dedejiyey in dadkii deegaanka iyo Genel ay madaxa isla galaan waxa ka mid ahaa wasaaradda Macdanta oo ka baaqatay wacyi-galintii dadwaynaha ee ay iyada iyo shirkadu isku ogaayeen in la fuliyo inta aan hawsha sahaminta la bilaabin iyo waliba wasiirka oo dadkii deegaanka ka qadiyey fursadihii shaqo iyo qandaraasyadii ka soo baxay mashruuca shidaal baadhista.

Sidoo kale shirkadda DNO ee laga leeyahay dalka Norway ayaa todobaadkii hore ee bishan joojisay hawlihii shidaal-baadhista ee ay
ka waday dhulka u dhexeeya Ceel-afwayn iyo Xudun ka dib markii ay dadka deegaanadaasi ay soo caydhiyeen.
Ururada iyo axsaabta siyaasada ee mucaaridka ayaa dhinacooda waxay ku tilmaameen hawlaha shidaal-baadhista ee laga wado Somaliland qaar aan sharciyad ku fadhiyin maadaama aan heshiisyadooda laga ansixin
Baarlamaanka dalka.
Hesheesyada shidaalka iyo macdan baadhista ayaa waxa si qarsoodi ah u maamusha wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale kaas oo xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladu dhawaan ku tilmaamay inuu ka mid yahay saddexda nin ee ugu wayn ee dalka dhacay.Sources: Haatuf

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here