Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qabyada Jidka Oodweyne-Burco Dusha Ka Saaray Bulshada Deegaanka Ay Waddado Isku Xidho

0
33

“Dhismaha Wadada Oodweyne Idinka Ayaa La Idinka Sugayaa Ee Qaybtiinnii Lacagta Keenna, Annaga $35 Kun Oo Keliya Ayaa reer Oodweyne Naga Soo Gaadhaye”

wasiir-xirsi

 Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa bulshada degta jidka isku xidha Oodweyne iyo Burco ku canaantay qabyada jidkaasi, kadib markii uu ku eedeeyay inaanay bixin aduunkii lagu dhisi lahaa ee bulshada looga baahnaa. Wasiir Xirsi oo jawaab ka bixinayay eedo xukumadda uga yimid sababta dhismaha jidkaasi gaabis u noqday ayaa si kulul u sheegay inaanay dadka degaanku bixin lacag. Waxa uu sheegay in dadka sidaas u hadlayaa sheegtaan cidday lacag u dhiibeen si wadada loogu dhiso. “Waanigi marar horena xusaye, intii bilawgii dawladda hoose ka gaysatay iyo wax aad u kooban mooyee, ninkii wax kale sheeganayee leh waxaas baanu bixinayowshan iyo sodon kun($35,000) Dolar baa naga soo gaadhay reer Oodweyne,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.  Wasiirka oo sii hadlaya ayaa intaasi raaciyay “Waxaan arkayay dadka qaarkii oo odhanaya wadada Oodweyne maxaa loo dhisi waayay?, wadada Oodweyne idinkaa la idin sugayaaye lacagtii keena, intayadii qabanay, inta kalena ka hadhi maynee waanu idinla dhammaystiraynaa laakiinse, qaybtiinii keena reer  Burco iyo reer Oodweynow isku tagoo, waa waddo Burco loo samaynayee” ayuu yidhi Mr Xirsi. Jidkaasi oo bilawgii ku bilaamay dardar ay hogaaminaysay dawladda hoose ee Oodweyne oo dhinaca magaaladaasi ka soo bilawday ayaan waayadii u dambeysay la maqal cid hadal haysa balse socdaalkan bariga ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo buskiciyay hadal hayntiisan wasiir Xirsi sida garnaqsiga ah uga jawaabay.

Xigasho: Ramaasnews-desk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here