Hargysa,(Hubaal)- Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland oo la soo xidhiidhay shabakada qarannews, ayaa gabi ahaanba beeniyay in uu wax kulan ah uu dalka Denmark uu todobaadkii hore kula yeeshay danjiraha dawlada fadaraalka ee Somaliya u jooga dalka Biljamka isla markaasna ah wakiilka midowga Yurub u qaabilsan dawlada Somaliya ama wakiilka uga ah xagaasi.
Wasiirka qorshaynta qaranka ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka cudur daartay in aanu la xidhiidhin wakiilka Somaliland u jooga dalka Denmark Mr Muse Sheekh, isga oo sababatana ka dhigay in aanu haynin xidhiidh kiisa, taasina ay sababtay in aanu wakiilka soo ogaysiinin socdaalkiisa.
Hase ahaatee wasiirku waxa uu shabakada qarannews u sheegay in ay lasoo xidhiidheen shaqsi ka mid ah jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Denmark, shaqsigaasi oo uu ku sheegay magaciisa Mahad Faarax, waxa uu wasiirku sheegay in aanu aqoon badan u lahayn ninkaasi Mahad Faarax oo ka soo jeeda beesha qoyska madaxweynaha, waxana uu Dr Sacad ku tilmaamay ninkaasi nin aad u fir fircoon.
Waxa uu beeniyay wasiirku in uu xidhiidh lasoo sameeyay ninka la yidhaa Muuse Askar isla markaasina ayna wada socon oo aanu socdaalkiisa waxba ka ogayn, ee ninka ay xidhiidhka la soo sameeyeen uu ahaa Mahad Faarax, waxana uu sheegay markii uu wasiirku ka soo anababaxaayay dalka Denmark in ay soo sagootiyeen sadex nin oo jaaliyada ka mid ahi, taasina uu ku tilmaamay mid aan dhuumasho ahayn.
Wasiirka oo ka hadlay cida uu la kulmay iyo waxa uu kala hadlayna waxa uu yidhi: (Waxaan la kulmay:
1. The State Secretary for Development Policy
2. Head of Global Security and Political
Affairs, Ministry of Foreign Affairs
3. Head of the Danish Institute for International Studies.
Waxaanu ka wada hadalay:
1. Mucaawinada Denmark u fidiso Somaliland ee
Sanduuqa Somaliland Development Fund
2. Geedi socodka demoqraadiyada iyo
Doorashooyinka 2015
3. Aragtida siyaasadda guud ee gobolka
4. Mawqifka Somaliland ee ku saabsanshirka Copenhagen. Kaas oo aynu markasta cadaynu
In aynaan ka qaybgeleyn
5. Iskaashiga xagga cilmi baadhista iyo
Jaamacadaha Denmark waa wadamada innoogu waxtarka badan ee innoogu
Wanaagsan.
Ujeedada guud ee socdaalkuna wuxuu ahaa xoojinta
xidhiidhkeena.
Dhanka kalena Danjiraha dawlada Somaliya u jooga dalka Biljamka iyo midowga Yurub, Ambaasadoor Dr Cali Siciid Fiqi,oo ka hadlay arintana ayaa sheegay in todobaadkii hore ay wasaarada arimaha dibada ee dalka Denmkark, ay mar ka soo wada qaaday madaarka dalkaasi isga iyo wasiirka qorshaynta qaranka ee Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
Waxana uu sheegay in subaxdaasi ay labadoodu la wada quraacdeen saraakiil ka tirsan xukumadda dalka Denmark oo ay hor kacaysay wasaarada arimaha dibadu, waxana uu sheegay in ay maalintaasi laba shir ay la galeen dawlada Denmark, waxna uu sheegay in ay sadexda dhanba wada qadeeyeen, waxa uu sharaxaad ka bixiyay shaqsiyada wasiir Sacad Cali Shire oo uu aad u amaanay kuna sheegay nin aqoonyahan ah isla markaasina degan oo waxiisa oo dhamina u habaysnaayeen isla markaasina uu qoraalo uu xukumaddiisa ka siday ku wareejiyay dawlada Denmark.
xigasho: Qaran-news