Wasiirka Shaqo-gelinta Oo Shirguddoomisay Shir Ay Guddi Wasiirro Ahi Ka Yeesheen Barnaamij Lagu Tayaynayo

0
102

Hargeysa (Hubaal) – Shirka Guddida Mashruuca Dib u habaynta shaqaalaha Dawlada oo seddex biloodba halmar qabsooma ayaa shalay ka dhacay hoolka shirarka ee wasaarada shaqo gelinta arimaha Bulshada iyo qoyska ee somaliland.

Shirkani oo ay kasoo qaybgalee Wasiirada Wasaaradaha Shaqo-Gellinta Arimaha bulshada Qoyska,Qorshaynta iyo Horumarinta,Tamarta Iyo Macadanta,Cadaalada,Gaanshaandhiga,Wasiir Kuxigeenada Horumarinta Maaliyada ,Arimaha Gudaha,Waxbarashada iyo Sayniska ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada,Gudoomiyaha Guddida Maamulwanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo Hawlwadeenada farsamada ee barnaamijkani ayaa ugu horayn.

Gudoomiyaha Guddida Mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada Ahna Wasiirka Wasaarada shaqogelinta arimaha bulshad io Qoyska Somaliland Hinda Jaamac Xirsi Gaani oo shirkaasi furtay Ayaa waxay xustay in shirkani yahey mid seddexdii biloodba ay Guddidan wasiirada ahi isku imaadaan.

Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmaake Axmed Muxamed Geele Dacar oo isna madasha Kahadlay ayaa guddidan uga xogwaramay halka uu maraayo Barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladu wakhtigan.

Kulankani ayaa ugu dambayntii kusoo dhamaaday xog iswaydaarsi iyo talooyin la isdhaafsaday iyadoo muhiimada lasaaray bilaabintaaka hirgalinta qorshayaasha barnaamijkani.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here