Waxa Uu Ka Jawaabay Hadal Kasoo Yeeshay Reysal-wasaare-xigeenka Xamar
“Goorma Ayuu Safiirkeenu Noqday Wasiirkii Waxbarashada Oo Uu Imtixaannada Ardayda Qaaday…. Arrintaasi Waa Gef Ee Nin Waliba Dariiqiisa Inuu Garto Weeye”
Hargeysa (Hubaal) – Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa si kulul uga jawaabtay Hadal dhawaan kasoo yeedhay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Md Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal), kaas oo ku salaysnaa Eedo loo jeediyey Hannaanka loo qaybiyo deeqaha waxbarasho ee Somaliland hesho oo uu safiirku difaacay. Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md Cabdilaahi Ibraahim Habane oo arrintaas ka Hadlay, ayaa Safiirka eedo kulul dusha ka saaray, waxana uu usoo jeediyey inaanu farogelin shaqada wasaaradda Waxbarashada. Wasiir Cabdilaahi waxa uu Safiir galaal uga digay inuu faraha la galo wax aan shaqadiisa, ahayn, isla-markaan wasaaradda Waxbarashada ku ixtiraamo Hawlaha ay qaranka u hayso, isagoo su’aalo badan geliyey hadallo dhawaan safiirku ku difaacay eedaha Deeqaha waxbarashada loo jeediyey. Cabdilaahi Dheere waxa uu safiirka Ethiopia weydiiyey su’aalo la xidhiidha sida uu ku helay macluumaadka Wasaaradda Waxbarashada iyo nifaamka loo maamulo Deeqaha waxbarashada,“waxan arkayey safiirkeena jooga Ethiopia oo lahaa caddaalad baanu u qaybinay deeqaha waxbarashada, waxan isweydiinayaa goormuu isagu Wasiirka Waxbarashada Noqday ee uu imtixaanadda qaaday ee uu ogaaday ka sarreeya iyo ka hooseeya.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Dheere. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa farogelin qaawan ku tilmaamay tallaabooyinka Safiirku kaga hadlayo arrimaha Hoose ee wasaaradda Waxbarashada,waxana uu yidhi,“Arrimahaasi waa gef, haddii aan ka warramo wasaaradda Arrimaha iyo Safaaraddaas Ethiopia ninka fadhiya xaalkiissu saw khalad ma ah, Safiirku wuu ina weydiin karaa oo odhan karaa waar wixii la ina siiyey war iga soo siiya, ama sidii idinka noqday wuu odhan karaa, waayo wuu ina metelaa, laakiin qabyaalad bay ahayd iyo kuwa hadlay way iska hadlayaa, waa Gefe nin waliba dariiqiisa inuu garto weeye.” Dhinaca kale waxa jawaab ka bixiyey haddalo dhawaan uu ku-xigeenka ra’isal wasaaraha Somalia kaga hadlay Deeqaha Waxbarasho ee Somaliland oo uu sheegay inay saamigoodii siiyaan,“ina cumar carte yuu deeqaha waxbarashada usoo diraa ma reer xamar buu ka iibiyaa, inagoo Somaliland ah waa inaynu waxeena helnaa ilayn soomaalidu laba dawladood baynu ahayn, qaybtoodana sida ay u kala qaadanayaan iyagay jirtaa, Burburkii soomaalina waxa ugu horreeyey NFD oo aftidii laga qaaday la diiday”.