Dawladda Ingiriiska Oo Ergay Gaar Ah U Magacowday Somaliland
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdirahman Cabdillahi Farax oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska ayaa sheegay in uu kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Dawladda dalkaas, kuwaasoo uu ku jiro Ergeyga cusub ee Dalka Uk u qaabilsan S-land Mr Stuart Brown.
Ergayga gaarka ah ayaa waxa ay xaruntiisu noqon doontaa Magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya.
Wasiirka ayaa sheegay inuu Magaalada London kula kulmay Hay’addo ka shaqeeya dhanka horumarinta Warbaahinta, kuwaasoo uu kala hadlay sidii ay uga caawin lahaayeen tababarada Saxaafadda Somaliland.