WASIIRKA WASIIRADU WAA RA’IISAL WASAARE SIILAANYAANA AFKIISA KA QIRAY WAA XEER JABIN GAF UMADDEED. BY MAHAD CUMAR SICIID.

0
26

Waxa aan salaamayaa dhamaan akhristayaasha sharafta leh, salaan kabid. Waxa aqalka madaxtooyada isugu yimid Badhasaabada iyo Maayirada Gobolada dalka, si loogu sharxo muhiimada ay leedahay Diiwaangalinta is barkan ee kaadhka codbixiyayaasha iyo kaadhka dhalashada ee muwaadinimada,waxa halkaasi ka jeediyey qudbad dheer Wasiirka Xisri, maadaama oo Badhasaabada iyo Maayiraduba marti u ahaayeen aqalka madaxtooyada oo wasiirka madaxtooyada yahay Wasiir Xirsi, Wasiir Xisri waxa uu halkaasi ka jeediyey hadalo guubaabo ah oo xambaarsan sida uu isagu hadalka ku dhigayey muhiimada diiwaangalinta,markii uu hadalkii dhameeyey wasiir Xirsi, waxa hadalkii qaatay Siilaanyo oo dadku aaminsan yahay in uu isagu madaxtooyada ka taliyo, hadaba garan maayo si ay ka noqotay iyo in ay warqada ugu qornayde,waxa mar kaliya afkiisa ka soo yeedhay waxa aan looga fadhiyin qof masuul ah oo waliba madaxweyne sheeganaya,waxa hadalkiisa ku bilaabay waad mahadsan tihiin ka soo qayb galkiina kulankan,waxa hadalkii dhameeyey Wasiirka wasiirada, waliba mar kaliya muu odhan ee waa uu ku celceliyey,isaga oon dareen sanayn in uu yahay Madaxweynihii ummadu xilkan u dooratay isla markaan sababtiisa lahaa in uu halkaa fadhiisto oo loogu yeedho madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Waxa maanta nasiib darro ah in uu madaxweynihii burburiyey qawaaniintii iyo xeerarkii dalkani lahaa, maadaama oo uu afkiisa ka qiraayo oo uu leeyahay Wasiirka Wasiirada. Hadaba aynu eegno wasiirka wasiirada waxa uu yahay. Nidaamkan wasiirka wasiiradu waa nidaam sharci oo ka jira wadamada qaar oo ay isticmaanlaan,waxa ay yidhaahdaa Wasiirka Wasiiiradu waa Ra’iisal wasaare. Wadamada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha wada leh waxa ka mid ah France, Djibouti,Somaliya,Turkey,Masar,Algeriya iyo wadamo kale oo aad u fara badan, wadamadani qaanuun ahaan waxa ay ku heshiiyeen in uu wadanku yeesho Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare oo aanu jirin Madaxweyne ku xigeen,iyada oo Madaxweynuhu magacaabayo Ra’iisal wasaaraha.

Hadaba nidaamka Somaliland waa sidii, ma in madaxweynuhu kolba siduu rabo u dhigaa, ma in sharci dajinta madaxweynaha ku daawataa buruburinta xeerarka wadanka,iyada lafteeda ma jiraan cid madaxweynaha sharciga ku ilaalinaysa, mise waa la isku dhex milmay oo nin waliba dantiisu raacayaa.

Waxa aan leeyahay waa in ay ka digtoonaanaa in sharciyada wadanka la burburi oo kolba waxaan jirin jeebka laga soo saarto, hadii uu madaxweyne uu xitiraami waayo sharciyada wadanka isaga laftiisa ay la diidi doonaa in uu sharci meesha ku fadhiyo,maadaa oo uu burburiyey sharcigii meesha uu ku fadhiyey, xeerdajintana waxa aan leeyahay waxa aad gudan waydeen xilkii ee hadii aad umada waxa u qabaynaysaan ilaaliya nidaam daradan wadanka ka socota.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here