Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Mudane Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi Dheere), isaga oo dardargelinaya shaqada ay qaranka u hayaan maamuleyaasha dugsiyada ayaa waxa uu billad-sharafyo guddoonsiiyay qaar ka mid ah maamuleyaasha dugsiyada sare ee Somaliland.
Maamuleyaasha la guddoonsiiyay shahaadada shaqo-wanaagga waxa ka mid ah Md Siciid Cabdi Shiil Maamulaha Dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, waxaanu Wasiirka Waxbarashadu ku bogaadiyay sida xilkasnimada ah ee uu u guto masuuliyadda uu qaranka u haya.
Maamule Siciid Cabdi Shiil ayaa wasiirka uga mahad-naqay abaal-marinta uu u gartay,waxaanu ballanqaaday in uu sii labanlaabi doono dedaalka uu ugu jiro horumarka aqoonta iyo u adeegidda dalka. Maamule Siciid Cabdi Shiile waxa uu maamule ka noqday dhawr dugsi sare oo ku yaalla magaalada Hargeysa. Waxaanu ka mid yahay ragga ugu wanaagsan xagga maamulka dugsiyada.
Sidoo kale waxa uu wasiirku shahaado-sharafyo guddoonsiiyay madax badan oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo maayarrada degmooyinka Berbera iyo Sheekh ee Gobolka Saaxil
Tallaabooyinka noocan ah ayaa xoojinaya wada-shaqaynta qaybaha kala duwan ee maamulka, hoggaanka, shaqaalaha iyo bahda wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland