“Maanta Gabdhaheenii Way Is Hoodhinayaan, Hooyadii Baa Dawadii U Iibinaysa, Aabihiina Wuu U Iibinayaa, Aniguna Rag Is Caddeeyana Waan Arkay”Wasiir Cabdilaahi Dheere.
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta saree e Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, ayaa sharraxay sida ay u luntay kalsoonidii ay bulshada soomaalda ahi ku qabtay dhaqankooda iyo midabkooda iyo weliba sida haatan day’artu ugu foogan tahay inay midabkooda madowga ah nacaan.
Wasiirka oo ka hadlayey madal lagu gorfayey manhajka dalka, ayaa xusay in waalidka xilligan joogaa kaalin ka qaataan cuqdadda ay da’yartu ka qabaan midabkooda madow ee uu ilaahay hibada u siiyey, waxana uu sharraxay sida waqtigii hore midabkaasi faanka u ahaa, “Inanteenu marka ay wax tilaamayso waxa ay odhan jirtey Dheeriyaa, dhuxusha ka madoobiyaa, Aabahay baan arkaa, Hal iyo Nirig buu wadaa, Hooyaday baan arkaa, Dhig iyo Udub bay waddaa, maantana gabdhaheenii way is hoodhinayaan” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Dheere.
Isaga oo wasiir Cabdilaahi Dheere hadalkiisa sii wata, ayuu xusay in waalidku daawada midabka doorisa u iibiyaan hablaha ay dhalaan, waxana uu intaas ku daray in xattaa waqtigan ay raggu is caddeeyaan, waxana uu yidhi,“Hooyadii baa dawadii u iibinaya, Aabihiina wuu u iibinayaa, inaynu isku kalsoonaan weynana waxa keenaay aynu baadhitaano ku samayno, ma inagaa u sabab ah oo gabadh cad uu uun raadinaynaa, mise gabdhaheenii bay kalsooni-darro ku dhacday, anigu rag is caddeeyana waan arkaye.”