Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Daah Furtay Akaadamiga Cilmiga Iyo Fanka Somaliland.

0
42

Hargeysa(Hubaal) Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta Daahfurtay Akaadamiga Cilmiga iyo Fanka somaliland oo lagu kaydin doona Tariikh Ummada Somaliland.
Daah-Furka Akaadamiga Cusub oo lagu qabtay magaalad Hargaysa ayaa waxa ka soo qayb galay, Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Adan Aadan ismaaciil, Guddoomiyaha jaamacadda Camuud Prof: Saleeban Cabdi Gulleed, Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Tech Axmed Xuseen Ciise, xildhibaano, abwaano iyo marti sharaf Ugu Horeyn Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo Xadhiga ka jartay Akaadamigan Cusub ayaa ku dheeraatay kaalinta uu ugu jiri doono dalka iyo baahida loo qabay in la helo meel lagu kaydiyo Tariikhaha Somaliland, waxaana sheegtay in tariikhda somaliland ay tahay mid qarniyo badan laga soo dhaxla.”Akaadamiyadani runtii somaliland waynu u baah nayd Somaliland, runtii waxa weeyaan meesha Africa oo dhan bud-dhiga u ahayd tariikhaha, Imika aniga oo ah wasiirkii wasaarada waxbarashada somaliland waxaan aad ula yaabay oo fajicisa igu noqotay odayga reer miyiga ah ee dagan tuuladu marka ay doonayaan inaan u dhiso School waxa ay noo soo qoraan waraaq, waxaana ay waraaqdaas ku qoran waxa ay u baahan yihiin oo dhan oo gabay ku qoran, waxaana la odhan karaa dalkeena maanta somaliland akadamigani baahi wayn ayaa uu u qabay waxaana uu lagu uruurin doonaa taariikhda badan ee inaga lumay taas oo raacdo lagu samayn doona si jiilka danbe ee soo socdaa Aanay u tariikh beeline.”Ayey Tidhi Wasiir Samsam.
Dhinac kale Adan Aadan Ismaaciil oo Iyana kulan kaasi ka hadashay ayaa ku tilmaamtay Akaadamigan Cilmiga iyo fanka somaliland mid waxa badan ka badali doona tariikhaha somaliland, isla markaas meel loogu soo hagaago noqon doona tariikhaha somaliland waxaana ay tidhi. “Acaadamigani anigu waxaan odhan lahaa waa mid ladoonayay inuu mar hore hir galo, imika markii la bilaabay waxaan odhan karaa hada waxa laga joogaa sannad, lakiin Hindisuhu in badan ayaa uu naga dhex guuxayay sidii aanu u dhisi lahayn Acaadami lagu uruuriyo tariikhaha maguurtada ah ee uu leeyahay wadanka somaliland kaas oo uu ugu horeeyo Afkeena hodanka ah ee somaligu,Umadi hadii Aanay aqoon halka ay ka timid mana garan karto halka ku socoto”
Adan Aadan ismaaciil waxa kale oo ay sheegtay In Akaadamigan maanta la furayo ay sal u noqon doonto in laga daba dhaqaaqo oo la raadiyo hanti badan oo qaranka somaliland ka luntay taas oo ay ka mid yihiin Asaartii qadiimiga ahayd, maah-maahyo iyo tariikho badan oo ka turjumayay inuu dalkani ahaa dal qadiimi ah waxaana ay tidhi. “Dalka somaliland maanta waxa ka luntay hanti badan oo ay ka mid yihiin asaartii Qadiimiga ahayd maah-maahyo badan iyo tariikho caalami ah,waxaana loo baahan yahay in waxa badan ka taro akadamigani madaamo oo lagu uruurin doono tariikhaha gabayada iyo waxa kasta oo dalkani lahaan jiray.
Dhinac kale waxa isna kulan kaasi hadal ka soo jeediyay Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prfo: Saleeban Cabdi Guulleed waxaana uu sheegay in dalka somaliland uu ahaa dal lahaa tariikho badan isla markaas loo baahan yahay in tariikhahaasi si aanay u lumen kaalin wayn laga qaato, Waxa uu cadeeyay in tariikhihii uu lahaa dalkani hoos u dhac wayn ku yimid markii la daryeeli waayay waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Dalkani waxa uu ahaa dal tariikho badan lahaan jiray, taariikhihi baabay waxa loo baahan yahay in dib loo soo dhiso, Akadamigani waxa uu ka mid yahay baalasha ay aqoonta dalku ku duusho si wayn waxa uga tari doono dhaqankii iyo fankii inaga idlaaday, Xaruntani waa xarun cil baadhis samayn doonta, waana xarun baadi goobo doonta waxa kasta oo inaga lumay, waxaana loo baahan yahay, keen qoraaga ah in buugtiisa lagu kaydiyo looguna iibiyo si loo dhiiri galiyo Qoraaga, maanta qoraageena cid buug ka iibsataa majirto isna marka uu waxa badan qoro wuu iska dayn doonaa marka uu waayo cid ku dhiiri galisa”. Ayuu yidhi Prof:Saleeban
Guddoomiyaha Jaamacada Abaarso Tech Axmed Xuseen Ciise oo isna ka mid ahaa gudidii ka shaqaynaysey inuu hir galo Akaadamigan lagu ilaalin doono tariikh ku duugan wadanka somaliland oo isaguna hadal dheerka jeediyey Munaasibadasi ayaa ku dheeraday Qiimaha uu leeyahay Akdamigan cusub ee lagu dhawaaqayo, waxanu soo Qaaday xarumo badan oo caalamka oo dal walba uu ku kaydsado dhaqankiisa iyo Taariikhdiisa waxanu yidhi. ”Akadamigani waxa uu noqon doonaa meel ay aqoontu ku soo uruurto, lagu kaydiyo qof waliba waxa uu yaqaano ee ku jira maskaxdiisa, Waxaan loo baahan yahay in loo samro waxa waliba Aduunka waxa ay ku bilaabmaan in yar, markaas ayaynu gaadhi karnaa meel aad u heer saraysa,Tariikh ayaynu inagu sheeganaa ee dhabta ah oo aad u qadiimi ah oo ilaa faraacintii jiray,Markaas Tariikhdeenu way asaantahay, tusaale ahaan Buluxaar oo ciid qarisay dadkii ku noolaa ayaynu baadhi kari wayne, waxaas oo dhan ayeynu uu ka hawl gali doonaa Akaadamigani, Labada wasaaradood ee arintani tunka saarta ayaa waxa looga baahan yahay in kaalin wayn ka qataan iskuna hawlaan sidii ay hawshaas ay isku xil saareen midha dhalkeeda uga gun gaadhi lahayeen”Ayuu yidhi Axmed Xuseen Ciise.
Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo isna munaasibadaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa bayaamiyay inuu bajadka dawlada ee sanadkan 2014 ugu daray lacagta lagu hawl galin doono Akaadamiga Cilmiga iyo Fanka somaliland,waxaana uu sheegay in dawlada uu hogaaminayo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay kaalin laxaadleh iska saartay sidii ay u taakulayn lahayd Akadamigaas lagu ilaali doono tariikh somaliland ee lama taabtaanka ah.
Gabo Gabadii waxa iyan kulankaasi hadalo isku mid ah kasoo jeediyay Abwaan Siciid Saalax iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan waxaana ay ka warameen sida looga baahnaa Akaadamigan, waxayna Tilmaameen in ay tahay talaabo Horumar oo la qaaday.

 

001-tile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here