Agaasime Abiib Axmed Cali Waxaa Uu Hore U Soo Maray Wasaarado Ay Kamid Yihiin Caddaaladda, Ganacsiga, Wershadaha Iyo Haatan Oo Uu Waxbarashada Ka Hawl-galo
Hargeysa(Hubaal/HWN):-Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere) ayaa shaqadii ka joojiyey Agaasimihii guud ee wasaaraddaas Abiib Axmed Cali.
Shaqo ka joojinta Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada ayaa la weriyey in ay ka dembeysay amar diiddooyin uu kaga dhego adaygay awaamiir door ah oo wasiirku faray, kuwaas oo fuli waayay ka dib markii uu is hor taagay habsami u socodka hawl-maalmeedkii wasaaradda waxbarashada.
Warar madax banaan oo Wargeyska HUBAAL ka helay Saraakiil u dhuun daloolla shaqada wasaaradda Waxbarashada ayaa tibaaxay in shalay subaxnimadii agaasimaha Abiib Axmed Cali markii loo dhiibay warqada shaqo ka joojinta taasoo sida warku tibaaxay dab ku shiday khilaafaad huursanaa oo hore uga dhexeeyey wasiirka iyo agaasimaha guud.
Dhinaca kale Mar xalay uu Wargeyska HUBAAL xidhiidh dhinaca telefoonka ah la sameeyey Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan si aanu wax uga weydiino waxa ka jira shaqo ka joojinta agaasimaha guud ayaa noo xaqiijiyey jiritaanka warkaas isaga oo ku gaabsaday in warkaasi jiro, wax tafaasiil ah oo dheeraad ahse aanu xilligaas [xalay] diyaar u ahayn in wasaaraddoodu ka bixiso asbaabta dhalisay shaqo ka joojinta wasiirku ku sameeyey agaasimaha guud. Mar kale oo HUBAAL su’aal ku celiyey afhayeenka Wasaaradda waxbarashada si uu u faahfaahiyo halka eelku ka dillaacay ee sababtay tallaabada wasiirku ku hakiyey shaqadii agaasimaha guud waxaa uu afhayeenku si kooban noogu sheegay in wasaaradda waxbarashadu aanay la mid ahayn wasaaradaha kale ee dalka isla markaana ay jiri karaan waxyaabo badan oo wasaarad ahaan iyo qaran ahaanba aan ku haboonayn in daboolka laga laga qaado sidaasi oo ay tahayna ay waqtiyada soo socda madaxda wasaaraddu si faahfaahsan uga hadli doonto arrinkaasi.
Agaasime Abiib Axmed Cali ayaa hore agaasime uga soo noqday wasaaradaha ganacsiga, caddaaladda, warshadaha iyo wasaarada waxbarashada oo uu haatan ka hawl galo, ayaa muddooyinkii uu wasaaradahaas hore ka soo shaqaynayay waxaa xusid mudan in sababaha madaxweynuhu uga soo bedelay ay ugu mudnaayeen isku dhacyo iyo muranno qaarkood gacan ka hadal sababeen oo dhex maray isaga iyo wasiirradii qaar ka mid ah wasaaradahaas.