Hargeysa(Hubaal)-Xogaha qarsoon ee na soo gaadhaya ayaa sheega in Wasiirka Wasaarada Xanaanada Somaliland Somaliland Dr:Cabdi Awdaahir uu doonayo in uu Xoolo gaara uu kooto ugu xidho seeraho maalmihii ugu danbaysay laga waday in laga sameeyo Banka Qool-Caday ee deegaanka Dagmada Salaxlay oo ka tirsan Gobalka Hawd.
Ma jiraan ilaa hada warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Awdaahir balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in Wasiirku isaga oo ka duulaya kana faa’idaysanaya dadaalada ay Baanka Aduunka iyo midawga Yurub ku doonayaan in dib loo soo celiyo Seerihii Bananka uu heshiis qarsoodi ah kula galay ganacsade Al-jaabiri in kooto loogu xidho seerahaasi si loogu naaxiyo Xoolaha uu u dhoofiyo dalalka Carabta.
Arrintan ayaa soo ifbaxday ka dib markii uu Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland oo Mashruucan dabad ka riixaya uu isku cuna duubay,sidaas awgeedna aanay wax wada shaqayni kala dhaxayn Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Somaliland oo iyadu leh maamulka iyo sida oo kale qorshaha Xoola dhaqatada loogu samayn karo seerayaal lagu naaxiyo Xoolaha ay leeyihiin dadka Xoolo dhaqatada ah ee reer Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa fashil wayn oo dhinaca samaynta Seerayaasha ah ku keeni karta in ay dadka reer guuraaga ah ee ku dhaqan deegamadaasi ay ka aamin baxaan in ay Xukuumada Siilaanyo ku garab istaagaan in ay markale ugu yaboohdo kala qayb qaadashada in la sameeyo Seero-Sidan oo kale ah.