Wasiirkii Hore Ee Ganacsiga Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegayay Inuu Ka Mid Noqon Doono Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

0
28

Hargeysa(Hubaal)  –  Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo arrimaha dibadda ee Xukumadda Siilaanyo Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa markii u horraysay ka hadlay warar sheegayay inuu ka mid yahay Golaha wasiirada ee Somalia loo magacaabayo dhawaan, waxaanu sheegay inuu warkaasi yahay mid aan jirin.

Todobaadadii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay shakiga laga qabo war ay baahisay Shabakad lagu magacaabo African Intelligence oo sheegtay in wada hadalkii Somaliland iyo Somalia ee Jabuuti lagu lafo guray sidii golaha wasiiradda cusub ee Somalia loogu dari lahaa Masuuliyiin waayo arag ah oo Somaliland ka soo jeeda, iyadoo la xusay Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar,Safiirka Somaliland ee Kenya Mr Sifir iyo Wasiirkii daakhiliga Dr Maxamed Nuur Carraale Duur.

wasiirka ganacsiga“Warka qaar ka mid ah mareegaha wararku qoreen ee sheegaya in shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Jabuuti ka dhacay lagu soo qaaday sidii aan anigu ugu mid noqon lahaa dawladda Federaalka ee Somaliya, waxaan caddaynayaa inuu yahay warkaasi mid aan run ahayn oo la been abuuray. Waxaan shacabka Somaliland iyo taageerayaashaydaba u sheegayaa in ay sidaa ula socdaan” ayuu Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ku yidhi Qoraal uu arrintan ku beeniyay isagoo London kusugan

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inuu ku talo jiro sidii uu Somaliland Madaxweyne uga noqon lahaa  “Haddii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badani iiga furan yihiin Somaliland oo ku talo jiro sidii aan hogaanka dalka ugu guulaysan lahaa markay ku haboonaato.”

Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa haatan ah Sarkaal Midawga Yurub iyo Midawga Africa wada jir ugu magacaabeen xal u helista Qalalaasaha siyaasadeed ee meelo badan oo Africa ah ka jira.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here