Hargeysa(Hubaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa daboolka ka qaaday inuu ku qanacsan yahay xilka laga nasiyey, waxa kaloo uu balanqaaday inuu qaban doono xilka xubin ka tirsan Komishanka tacliinta sare oo madaxweynuhu shalay u magacaabay.
War-saxaafadeed Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Yuusuf Maxamed Cabdi uu soo saaray ayaa u qornaa sidan:-
“Waxaan si waafi ah ugu soo bandhigayaa guud ahaan Shacab weynaha Somaliland gudo iyo dibadba gaar ahaan dhallinyarada iyo madaxda kala duwan ee Qaranka si gaar ahaaneed Madaxweynaha Qaranka JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi in aan si buuxda ugu qanacsanahay xilkii Wasiirnimo ee layga nasiyey, sidoo kalena, aan ku niyad samahay xilka Qaran ee kale ee uu Madaxweynuhu ii igmaday.
Waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba xasuusinayaa lana wadaagaya shacab weynahayga aan jecelahay ee reer Somaliland in Sunaha xilka Qaran ama Dowladnimo yahay Magacaabis, Beddel iyo Nasin, balse ay waajib qaran tahay in masuul kasta oo loo igmaday u guto hufnaan, hagarla’aan iyo daacadnimo; iyada oo la joogo xilligii aynu gamcaha is qabsan lahayn una adeegi lahayn innagoo wada jirna dalkeenna, diinteenna iyo dadkeenna inagoo si wada jir ah ula shaqaynayna Madaxdeena Qaranka.
Waxaa Mahadnaq weyn iyo Sharaf weyn iga Mudan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabistaydii Wasaraadda Maaliyadda iyo muddadii 10-ka bilood ahayd iila shaqayeey si wanaagsan oo gobanimo leh, hawl gudashada Xilkaa Qaranka isla markaana waxaan balan qaadayaa in aan sii laban laabo u shaqaynta Qaranka Xil kasta oo uu ii garto, iyadoo la joogo xilligii Muwaadin kastaaba is weydiin lahaa wuxuu dalkiisa u qaban karo balse aanu ku foognaan waxa uu dalku isaga u qabanaayo danta guudna la siinayo mudnaanta kowaad lagana horumariyo danta gaar ahaaneed, Dowladnimadda iyo Siyaasadduna waxay u baahan tahay Samir, Dulqaad iyo Adkaysi.
Waxaan hore u ahaa gacanta midig ee madaxweynaha waxaan balan-qaadayaa in aan noqon doono gacantiisa midig iyo bidixba lana bar bar istaagayo hiil iyo hooba,”ayuu ku soo gabogabeeyey war-saxaafadeedkiisa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Yuusuf Maxamed Cabdi.