Wasiirkii Saboolka Ahaa, Sannadbuu Ku Taajiray!

0
29

Duunyo dhaxal iyo miduu dhaqday midna ma jirin wuxuu ahaa sabool aan lahayn dhaqaale fiilooyin lagu bineeyo. Xisbiga kulmiye markuu talada dalka ku guulaystay waxa loo magacaabay Xoghayha Dawlada Hoose ee Berbera. Muddo sannad iyo sideed bilood  ku simanbuu ahaa Wasiirk ku xigeen marba laba wasaaradood loo kala bedelay.de

Wasaaradda hadda uu ku xigeenka ka yahay wuxuu xafiiskeeda jooga nususaac inku siman shaqaalaha wasraadana intooda badan ismabay baran, Waa wasiira u dhego nugul qasriga waxaana  loo diro arrimaha u baahan furfurida deegaanka uu kasoo jeedo,  shaqada wasaaradda uu ku ismanyahay waxa u dheer oo baal socota shaqo gaara. Aqoon iyo waayo aragnimo oo ku hago ummada ma jirto waxaan ka ahayn dhego nugayl qasriga uu fusho danaha leexsan ee deegaanka uu kasoo jeeda gala.

Wasiirku waa maalqabeen maanta wuxuu binaystay laba fiilo oo uu ka jeexday galbeedka Hargaysa, fiilo kalena wuxuu ka bineeyay waqooyiga Hargaysa, jagooyin banana iyo baloodho seesan ay u dheera, wuxuu aad uga fara qabsaday xilka qaranka ee xurmadiisu tahay xilgudasho iyo xannaano xatooyo la’aana. Qoyskii miyiga degenaa wuu soo magaaleeyay oo hadda wuxuu dejiyay dabaq.

Wasiirkani wuxuu aad uga faa’iday dilaal uu ka qaatay iibkii xaaranta ahaa ee Haamahii kaydka shidaalka Berbera, wuxu ka mid ahaa macal qabadkii dilaalay ee iibshay Haamaha,waa foolaadkii masuuliyiintii aan  nasan  ilaa maalinti u danbaysay. Sahankalena hadda wuu ku jiraa.  dilaalidda uga dheef badan mushaharka yar ee aan ku filayn. Kelidi kama dheefine masuulyinbadan ayaa ka taajiray xaqul qalin iyo dilaalidda  danta guud ee ummada ka dhxaysa.

Xukuumadeenani waxay noqotay xaraasha aan reebayn baloodho, dhulkii hore u galbaday waxa ka daran meelaha sahankoodi lagu maqanyahay ee hadda la wado qorshayaashi lagu xaraashi lahaa, dhaxal wareega sidan ahi wuxuu halis ku yahay mustqablka jiilka soo kacaya oo dhaxli doona dawlad kiro gasha oo aan lahayn baloodh danguuda oo dadka loogu adeego.

Waxa u furan majlisyo laga ammaano oo xerta la dhinaca ahi ku barjeeyaan, marfashyadaa waxa ku baxa kharashbadan oo u qabysan qayil, biyo iyo sharaab. Waxa la raqayaa oo majliska lgu budlinayaa cashuurta masaakinta bacadka fadhiista. Mararka xaaladaha guulwadayntu jiraan marfashyadaasi waa mashquul dadbadani kusoo qulqulan oo aan lagu kala bixin jabane ilaa biyo raacsi.

Wasiirka hantida aanu hore u lahayn ee aanu tabcan dhistay musharkiisa waynu wada ognahay ma dhaafsiisna nololmaalmeedkiisa iyo kharashaadka uu galo bisha, shaxaadka iyo inta ku daba nool ee uu u masruufo si dadban xaddi malaha, musharahkiisa haddu urursho sannad hantida uu dhistay iyo dhulka uu seestay ma dhisan karo. Wuxuunbuu ka dhisan karaa boobka iyo musuqa cashuurta iyo danta guud ee ummada.

Musuqaa muuqda ee aan qarsoonayn kelidii maaha ragbadan oo xil hayaa la mida oo intaa in ka badan ka xantoobsaday cashuurta ummada, imisa Masuul ayaad garanaysaa oo aan lahayn duunyo hore oo maanta fooqyo iyo fiilo kala jidan cashuurta ka binaystay, darbaa intay dhaafeen dalka dibadaha daaro ka iibsaday oo cashuurta ummada saro dhaadheer cari kale samaystay.

Masuuliyadu maaha maal urursi iyo cashur boobid, xilka qaranku ma mudna in lagu xado ummada oo lagu boobo cashuurta iyo hantida ummada ka dhaxaysa, maamulkeeni iyo  masuuliyadda dawladnimo waxay noqotay madal macaash oo laga dheefo dhaqaale, masuul kasta oo la magacaabo mudo kooban ayuu isku bedelayaa nolol ahaan oo uu boobayaa cashurta ummada, guryo aanu lahayna la sheegaya inuu dhistay. Waxa loo baahanyahay masuuliyad loogu adeego ummada dayacan.

Maxamed Sidiiq Dhamme

Msadiiq1@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here