Badhan(Hubaal) dhawr wasiir oo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa ku sugan deegaanka Buraan ee Degmadda Dhahar, waxaana lagu sheegay ujeedada safarkooda inay degmo la yidhaa buraan ka Yagleelaan deegaankaasi oo hoos iman jiray Dhahar.
Weftiga wasiiradda Puntland ayaa kala ah Wasiirka amniga, warfaafinta, wasiir ku-xigeenka cadaaladda, wasiir ku-xigeenka caafimaadka iyo saraakiil kale oo ku wehelinaysa safarkan, waxaana la filayaa inay deegaamo kale socdaal ku maraan.
Talaabada Puntland ku doonayso inay Degmo kaga samaysa Buraan ayaa noqonaysa mid ay ka arkeen deegaankaasi oo la sheegay inay kasoo hayaameen masuuliyiinta Somaliland u joogta, kuwaas oo daadsan Ceerigaabo illaa Hargeysa.
Sidoo kale, waxa ka muuqda masuuliyiinta la dhiga ah wasiiradan ee Somaliland inaanay wax talaabo ah kala hortagin wasiiradda Punland oo si badheedh ah deegaankaasi u soo galay.
Sidoo kale, talaabadan Puntland wado ayaa ah mid gardaro ah oo ay dhinac socoto Eedayn markasta ay la daba taagan yihiin Somaliland.