Waxa wax lala yaabo ah sida bahdilaadda ah ee koox wasiiro ah iyo Madaxweyne Xigeenka ay jeebka u gashadeen ee ay u qaawinayaan madaxweynaha. Waxay yihiin duul taladoodu ku koobantay inay meel walba kaga hadlaan itaal darrada maamule ee Madaxweynha iyagoo caafimaadkiisa gaadha.
1-WAxa mar keliya ummaddu ku waabariisatay Madaxweynaha oo laga soo duubay cajalado la yidhi ku baahiya warbaahinta, taas oo ah caado nin baqaaya oo la ugaadhsanaayo sida Dhabaab iyo Taalibaan.
Haddaba Madaxweynahu ma aha argagixiso la ugaadhsanaayo ee wax ay tusayaan inaanu awoodin in loo qabto shir Jara’id oo suaalo lagu weydiin karo. Waxay ina tusayaan itaal-darrada iyo awoodda caafimaad ee Madaxweynahu inaana saamaxayn inuu si habboon ummadda ula hadlo, ula xidhiidho oo uu oggolaado su’aalo.
2- Taas oo aynu la yaabanay arey haddana yedhaahdeen Madaxweynha ayaa casuumad u fidiyey Golaha Dhexe ee xisbiga mkUlmiye. Madaxweynahu kama soo daahirin casuumadda uu culayska intaas leeeg saarnayd. Iyana waxay inoo sheegayaan inaanu awoodin in casuumad uu fidiyey tahli karo.
3 -Waxa kale oo ay tuseen inuu yahay Guddoomie Kooxeed aan ahyn Madaxweyne Qaran oo xataa aanu wada xukumin Hargeysa. Kolka Shirkii iyo qadadii ay ku baaqeen ay ka bedeleen Maansoor ee ay u xawileen Ambassador. Ka dareni waxay habeen iyo maalin soo fadhiisiyaan odayaal dhinaca koonfur ee Hargeysa ah oo hadal duur xul ah u tabinaaya Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa. Xaasha ee bulshada Koonfur Hargeysa ma geydo in hantida ummadda ee ay biyo la’aantu hayso in odaayl la abaabulo si bulshada Hargeysa een sinnaba u kala baxayn ee to, xidid, xigaal, abti iyo adeer isu ah loo kale qaybiyo. Waa mid ayna ku guuleysan Karin marnaba inay bulshada madaxa isu galiyaan. Sheekadu ma aha reer ee waa xisbi cid waliba ku jirto.
Madaxweyne dalka adaa masúuliyadda kowaad ku saarantay ee iska jir kuwa qaska iyo xumaanta ku ceesha.
Ogow qasab iyo xumaan laguma codeeyo, ee doon wanaaga iyo inta talada wacan , khasnadda furantay ee ummadana soo dabo qabo oo bulshada u badbaadi.
Cabdi Xaaji Axmed
hargeysawi@ymail.com