Buuhoodle, (Saxafi)-wasiiradda madaxtooyadda iyo caafimaadka ayaa la sheegay inay safar shaqo ku tageen deegaanadda hoos yimaadda degmadda Buuhoodle, isla markaana ay halkaasi ka fulinayaan mashaariic horumarineed oo deegaanadaasi hore loogu ballanqaaday.
Wasiiradan ayaa shalay gaadhay magaaladda Qorilugud iyo deegaano kale oo hoos yimaadda Buuhood, waxaana la filayaa inay maanta gaadhaan magaaladda Buuhoodle oo uu hore u booqday wasiirka Caafimaadka.
Safarkan waxa ka kooban yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed “Xaglo-toosiye”, wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Xasan iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Beeraha Md. Aadan Ibraahim Ashqar
Weftigan ayaa shalay goob fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku dhaqan Qorilugud, waxaanay sheegeen inay mashaariic horumarineed ka fulin doonaan deegaanadda Hoos yimaadda Buuhoodle.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xaglo Toosiye, ayaa dhagax dhigay Goob noqon doonto Isbitaal, kaasi oo bedeli doona MCH hadda kahor ka hawl geli jiray degmada.
Wasiirka ayaa u balan qaaday in goobtan ay ka hawl geli doonaan shaqaale intii loogu talo galay isla markaana uu noqon doono Isbitaal ku qalabaysan dhamaan adeegyada Caafimaadka.
Wasiirka madaxtooyada ayaa sheegay inay deegaanadda qaar ku wareejiyen Gaadhi Ciidan oo wax wayn ka tari doonaa amaanka iyo nabad gelyada degmada iyo degmooyinka ku wareegsanba sidoo kalena waxaanu dhagax dhignay dhisme lagu dari doono xarunta station police-ka degmada.
“Dhisme-yaasha kale ee aanu u soo dhagax dhignay isla markaana dhamaystirkooda ugu soo bushaaraynay degmada ayey kamid yihiin dhisme loo samayn doono dawlada hoose ee magaalada halkaas oo noqon doonto xafiiskii loogu hawl geli lahaa degmada. Iyo sidoo kale gurigii Martida ee Degmada, Ka sakow Mashaariicdan horumarineed ee aanu maanta degmada gaadhsiinay ayaa waxa barbar socda dedaalo loogu jiro kor u qaadida amaanka iyo nabadgelyada”ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada oo bartiisa internetka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo safarkiisa Deegaanadda Buuhoodle.
Wasiirka madaxtooyadda ayaa sheegay inay deegaanaddan kula kulmeen wefti madax dhaqameed ah oo ka yimid magaaladda Buuhoodle, kuwaas oo dadweynaha kula dardaarmay amniga iyo nabadda.