Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Siyaabo is-Burinaya Uga Hadlay Shirka Xiin-Galool

0
40

Wasiirrada ka soo jeeda bariga Sanaag ee Gaashaandhigga iyo Kalluumaysiga oo aragtiyo kala fog ka bixiyey shirka Xiin-galool

Hargeysa (Hubhaal) – Wasiirrada Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Kalluumaysiga Somaliland – Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Cali Faarax Buureed, ayaa siyaabo is-burinaya uga hadlay shir beesha ay ka soo jeedaan uga socda degmada Xiin-galool ee bariga gobolka Sanaag.

Labadan wasiir ee ku wadajira xukuumadda talada haysa, ayaa aragtiyo kala fog ka bixiyey shirka Xiin-galool oo midkood ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo dhibaato aan lahayn, halka kalena sheegay in ujeeddadiisu ka soo horjeedo qaranimada Somaliland iyo masaysrka ummadda.

Cadami

Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku tageen Gobolka Sanaag Arbacaddii, ayaa soo dhaweeyey shirka Xiin-galool oo uu sheegay in isaga laftiisu ka qaybgalayo, “Shirweynaha lagu qabtay Xiin-galool wax wanaagsan baannu u rajaynaynaynaa, waxa suurtagal ah, waana shir dhaqan oo hawlo siyaasadeed kuma jiraan,” ayuu yidhi Wasiir Cadami oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Ceerigaabo kadib markii uu halkaasi gaadhay Arbacadii.

Sidoo kale, waraysi uu Wasiir Cadami siiyey wargeyska dawladda ee Dawan cadadkiisii Khamiistii shalay, waxa uu ku sheegay inuu isaga laftiisu ka qaybgalayo shirka Xiin-galool oo lagu ducaysanayo, waxaannu yidhi, “Shirkaasi waxa la soo gunnaanadayaa Khamiista berri (shalay), waana shir dhaqan oo ay beeshu isku-calool xaadhanayso, isla markaana ku ducaysanayso, shirku marka uu dhamaado waxa la samayn doonaa Qur’aan akhris iyo ducaysasho khayri ah oo Rabbi wanaag lagaga baryayo, aniguna shirkaa waxaan ka qaybgalayaa xidhitaankiisa, anigoo ugu hambalyaynaya sida wanaagsan ee beeshu u qabsatay shirkooda dhaqan, shirkuna wax siyaasad ah shaqo kuma laha lagumana soo hadal-qaadin waxaanan odhan karaa waa shir beeli qabsato kii ugu hadalka wanaagsanaa ee ku koobnaa arrimo dhaqan oo beesha ah.”

wasirka kaluumaysiga

Haseyeeshee, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa aragti si wayn uga duwan ta Wasiir Cadami ka bixiyey shirka Xiin-galool oo uu ku tilmaamay mid ka dhan ah Somaliland, isla markaana aan loo dhammayn ka qaybgalkiisa, balse markii dambe uu noqday mid dhicisoobay.

“Shirka Xiin-galool runtii mid beelaha degaanka lagu magacaabay oo ay u dhan yihiin maaha, waa shir koox gaar ah oo dibadda iska soo abaabushay iyo rag gudaha kaga biiray ay ujeeddadiisa wateen, waxay yidhaahdeen shir qabiil baanu qabanaynaa, shir qabiilna waxa uu ka go’aa salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beelahaas oo marka hore waxa lagaga hadlayo iyo ujeeddadiisaba intay ka tashadaan kadibna shirweyne iyagu qabta, laakiin wuxuu iska ahaa shir rag soo abaabulay dano gaar ah lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Buureed oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa shalay, waxaannu intaasi ku daray, “Alxamdullilaah, annagu waxaannu ka baqaynay in shirkaasi nabadgalyada degaankaasi saamayn ku yeesho, iminka degaankaasi wuxuu ka mid yahay dhulka ugu nabadgalyada badan, markaa in rag intay carruurtoodii iyo reerahoodii gaysteen dibadda ay keenaan waddanka shir siyaasadaysan oo lagaga soo horjeedo ummadda masayrkeeda iyo taladeeda oo halkaa nabadgalyo-darro ka abuuranto.”

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here