Haddii ay ahaayeen, wasiiro Xirsi lamida, maxay iyagu toos ugula kulmi waayeen Mr. Siilaanyo, oo wixii ay isaga kala kulmaan ugu go’aan qaadan waayeen. Bal ka waran, warka Xirsi u sheegay haddii uu noqdo mid been ah, oo siyaasad laga leeyahay?
Haddii ay aqoonsadeen in M.weynuhu si gaara ula shiray wasiirada beeshiisa oo uu ku yidhi Muuse Biixi raaca, maxay wasiiradan iscasilay iyaguna Xirsi ugu odhan waayeen: Shirkii aad reerkiina la qaadatey hanooga waramine, noo bannee anaguba Muuse Biixi baanu nahaye. Waxaan hubaa haddii ay Xirsi ku odhan lahaayeen adigu iscasil horta, in qorshihii la lahaa uu fashilmi lahaa.
Imika sidan Xirsi yeelay iyo sida ay u daba nashleeyeen, waxay ku tusaysaa in adhiga meel loo wado, la horgeliyo neef meesha la tagayo garanaya, neefkaasi baa adhiga hor kaca oo ay dabagalaan. Waxani waa iscasilaad aakhirsabaan oo run iyo beenba isugu jirtey. Waxaase haboon in la xusuusnaado in falaadhi gilgilasho aanay kaaga gu’in, ee raga xisaabaadka iyo lacagaha uruurin jiray, ee wadooyin baanu dhisaynaa odhan jiray, ee leh waanu iscasilnay, ay xisaabtii ay hayeen halkii ay ku danbeysay sheegaan iyadoo cad.
Waxaanse bulshada talo ahaan u soo jeedinayaa, in waxa raasamaalka ahi uu yahay Qaranimada iyo Nabadgelyada ee aan la iska xumaynin. Taliyeyaasha Ciidamada waxaan odhan lahaa, tixgeliya danta guud ee dadkiyo dalkaba, si qaranku u jiro niyada ku haya, wixii go’aan ah ee ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland aanay ciidamadu fulinin, balse fashilyaan, si nabadgelyada iyo wada noolaanshuhu u adkaado. Illaahay sida kheyrku kujiro ha ina waafajiyo.
Waa aragti shakhsiya:
By: Garyaqaan Xasan Cali—(Banfas)
Tel: 252063-4407217
Email: qareenxasan@hotmail.com