“Wasiirrada Xiiqsani Waa Kuwo reerahooda La Isku Haysto [Laakiin] Aniga Reerkaygu Waa Wada Kulmiye”

0
41

wasiir cali buureed

Wasiir Buureed

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md. Cali Jaamac Buureed, ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha beesha uu kasoo jeedo ee dhinaca munaasibadaha axsaabta siyaasadda loogu biiriyo oo aanay inta badan ka muuqanin, waxana uu caddeeyey sababta maqnaanshahaas keentay.

Wasiir Buureed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sababta reer koodu xafladaha uga maqan yahay ku sheegay inay dhammaantood yihiin taabacsan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE, “Aniga xafladahaygu ma badno sababtoo ah reerkayagu waa wada KULMIYE, Wasiirrada xiiqsanina waa kuwa reerahooda la isku hayso, laakiin reerkayagu meel buu iska yaallaa” ayuu yidhi wasiir Buureed.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku shaaciyey inay abaaraha xilligan gobollada bariga dalka ka taagani keeni karaan dib udhac ku yimaadda doorashada madaxtooyada, maadaama dadkii is diiwaangeliyey u hayaan gobollo ka fog goobihii ay waraaqaha ka qaateen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxyaabaha doorashooyinka Is hortaagi kara ayey abaartu ka mid tahay, imikana dadkii meel aad ugu hagaagtoba ma jirto oo ama way hayaameen oo gobolkii laga diiwaangeliyeyba way ka tageen ama qof isagii in naftiisii dib loosoo celiyo u baahan codayni way ku adag tahay, laakiin bal xilligaas halla gaadho.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here