Wasiirro Sooc Ah Oo Booqday Gobolka Gabiley Iyo Nuxurka Mashaariic La Hirgeliyey Oo Ay Xadhiga Ka Jareen

0
85

Wajaale:(Hubaal)-Wasiirrada Maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Ganacsiga Md. Muuse Qaasim, Wasiirka Warshadaha, Md. Shucayb Maxamed Muuse, Wasiirka Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. wasiir samsamSaleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye ayaa shalay  Xadhiga ka jaray mashaariic horumareed oo laga hirgeliyey Deegaannada Wajaale iyo Gabiley ee gobolka Gabiley. Wasiirka Maalliyada oo Hoggaaminaysay Waftigan Wasiirrada Ah  ayaa Ugu horrayn waxa ay xadhiga ka jartay Garoonka Kubadda Cagta ee Tog-wajaale oo wasaaraddu si gaar ah u maalgelisay. Marwo Samsam oo hadal kooban  ka jeedisay Madashii xadhigga lagaga jarayey, ayaa si weyn ugu mahad celisay dhallinyarada Reer Wajaale oo tilmaamtay inay sabab u ahaayeen Horumarka lagu sameeyey Garoonkaas,  “waxan u mahadnaqayaa Dhallinyarada iyagoo aan lacag haynin garoonkan ku dagaallamay ee Gurmadka noosoo diray, waxana aanu maanta ku dedaalaynaa inay quruxdiisa sii kordhino, waana inaynu madaxdeena iyo madaxweynaheenna ku kalsoonaano.” Ayey tidhi Wasiir Samsam.  Sidoo kale waxa ay wasiirka Maaliyaddu xadhiga ka jartay Sariibad cusub oo laga dhisay Badhtamaha Suuqa Tog-wajaale oo iyaduna kamid ah Mashaariicda Xukuumaddu Halkaas ka hirgelisay.  Waxa kale oo ay wasiirku xadhigga ka jartay  Kawaanka Qalliinka xoolaha oo isagana dibu-habayn weyn lagu sameeyey, iyadoo ay kala qaybgaleen Madaxda kala duwan ee Deegaanka u qaabilsan xukuumaddu.  Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo isaguna ka Hadlay Halkaas, ayaa sheegay inay diyaar u  yihiin horumarinta Deegaanadda Tog-wajaale, isagoo ballan qaaday inuu Halkaas geyn doono Shaqaale caafimaad oo Bulshadaas u qabto Baahiyaha caafimaad ee ay qabaan.  Wasiir Samsam, ayaa sidoo kale furtay Tartanka Kubadda Cagta ee Magaalada Gabiley, waxana ay Dhallinyarada Kubadda Cagta kula dardaarantay inay ku dedaalaan Muujinta Kalsoonida iyo Magaca ay Deegaanadaasi caanka ku yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here