Berbera (Hubaal)- Wefti Wasiirka dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa maanta booqaday xarunta barakacayaasha dadka ka soo cararay dagaalada dalka Yemen ee ku taala Magaalada Berbera
wasiiradan, ayaa ujeeda socdaalkoodu uu ahaa sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaaladda ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaaladda berbera, kuwaas oo hore cabasho uga muujiyey xaaladdooda nololeed.
Wasiirka Dibu-dejinta Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu halkan u nimid inaanu eego xaaladda ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ka soo cararay Yemen una dhashay dalka Somalia, si aanu u ogaanno ayaanu u nimid waxaana nooga muuqata nolol wanaagsan iyo xaalad wanaagsan, waxa sidoo kale noo muuqad in ay Hay’adaha iyo maamulka gobolka Saaxilba taageero la garab taagan yihiin, waxaanay hadda kuyuu ugu jiraan sidii loo amba bixin lahaa dadka somalida ah oo loo gayn lahaa meelaha ay markii hore ka soo jeedeen ee Somalia, Somaliland waxa jooga Kumanaan qaxoonti ah, kuwaas oo ay Somaliland u aqoonsan tahay inay yihiin dad qaxoonti ah ee ka soo barakacay dagaaladii Somalia, way soo dhaweysaa oo amaankooda ayey sugtaa waanay caawisaa”
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu sheegay in dad badan oo qaxoontigaas ah la amba bixiyey, waxaanuu yidhi “Waxa ay u kuur geliayaan wasiiradani xaaladda nololeed iyo dhaqaale ee dadkan qaxoontiga ah iyo sida loo amba bixinaya, waxaana baxay dad badan oo loo diray deegaamadii ay u dhasheen, waxaana soo hadhay dad kale oo waa laga arrinsan doonaa”