Wasiiru-dawlaha Ganacsiga Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyey Magaacadda Ceerigaabo

0
184

Ceerigaabo (Hubaal) – Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga  ee Somaliland md Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa si meeqaam sare ah ay ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo Bulshadda ku dhaqan Magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Wasiiru Dawle md Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wefti balaadhan oo uu horkacaayo, ayaa shalay soo dhaweyntii ugu balaadhneyd ay u sameeyeen Maamulka Heer gobol Heer degmo, Xildhibaano Gole Deegaan, Madax dhaqameed, Salaadiin, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro iyo boqolaal ka mida bulshadda ku dhaqan magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaana weftigan wasiirku la sheegay inay hor dhac iyo gogol xaadh u noqon doonaan weftiyo ay hogaaminayaan Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo Ceerigaabo maalmaha inagu soo aadan gaadhi doona si ay halkaasi wacyi-gelin ku saabsan qaadashadda Kaadhka Codbixinta ee Sanaag iyo Sool maanta oo Bishu tahay 10/8/2017-ka ay ugu sameeyaan bulshadda ku dhaqan deegaanaddaasi.

 

Badhasaabka Gobolka Sanaag md Axmed Cabdi Falaay ayaa ugu horeyn fagaare kala hadlay boqolaalka qof ee soo dhaweynta aan loo kala hadhin ku soo dhaweynaayey wasiir ku xigeenka ganacsiga md Maxamuud Warsame Jaamac oo  wax qabadka balaadhan lagu majeertay  waxaanu yidhi “Maxamuud Warsame Jaamac waxaanu ku leenahay mudane Wasiir ku soo dhawoow magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo aad iyo aad waxaan ugu mahadcelinayaa dadweynaha Kumaan kunka qof gaadhaya ee ilaa iyo intii uu wasiirku gobolkaba yimid ee soo galay wasiiru dawlaha ay dadweynuhu sida diiran ee qiimaha iyo qaayaha leh ay u soo dhaweeyeen oo sidii badiba caanka inoo ahaan jirtay hadii aynu reer Sanaag dadweynuhu dhamaantood aad iyo aad ayey u mahadsan yihiin”

 

Mid ka mida Salaadiinta reer Ceerigaabo oo isaguna hadal ka jeediyey soo dhaweynta xoogan ee reer Sanaag ku qaabileen imaanaha Ceerigaabo ee Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga  ee Somaliland md Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu yidhi “Waxa la yidhi Xeri Fagaaray Eeday, waar reer Ceerigaabo ninkii wax tara ayuumba nin ah oo ninkii wax qabta ayaa nin ah, Beenina waa Biyo la lulay nin waxtarana tolkiiba kala yaqaana ayaa la yidhi wasiir Maxamuud Warsame Jaamac waxaanu kugu soo shaweynaynaa magaaladdaadii Ceerigaabo gacmo furan iyo qalbi furan anaga oo xasuusan waxtarkaaga markii aad Xildhibaanka ahayd iyo maanta oo aad wasiir tahayba waxaad gudatay xilkaagii”

 

Wasiiru Dawlaha Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga  ee Somaliland md Maxamuud Warsame Jaamac oo ugu dambeyntii boqolaalka bulshadda ku dhaqan magaaladda Ceerigaabo ee sida weyn soo dhaweynta ugu sameeyey isaga oo ka dareen celinaayey waxa uu yidhi “Waxaanu u nimid Safar Shaqo gaar ahaan magaaladda Ceerigaabo waa uun safaradii madaxda qaranku ay magaalooyinka iyo gobolka ku mari jirtay , waxaan hor dhac u ahay wefti heer qaran ah, uu hogaaminaayo Guddoomiyaha ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiradda oo uu hogaaminaayo Wasiirka Madaxtooyadda weftigaas oo dhawaan iman doona Ceerigaabo, waxa uu u jeedada socdaalkaygu daaran yahay waynagii hore isku diwaangelinay imikana Kaadhkii doorashadda ayaa la qaadanayaa waar Kaadhka saw qaadan maysaan sawi diyaar uma tihidin oo Kulmiye sow ugu ridi meyno aad ayaa u mahdsan tihiin waxa inoo balan ah in aynu Kaadhka Codbixinta doorashadda qaadano waanan idiinka mahadcelinayaa sida sharafka leh ee aad ii soo dhaweyseen”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here