Wasiiru Dawle Cabdirashiid Gargaar Oo Ka Warbixiyey Nabadeynta Ay Xukuumaddu Deegaanada Bari Ka Fulisay Iyo Wada Hadalka Khaatumo

0
81

“Mucaaridka Sida Faysal Cali Waraabe Oo Kale Xil Badan Buu Wada Hadalka Iska Saaray Illaa Haddana Kamuu Hadhin, Aad Ayaan Ugu Mahadcelinayaa”

Wasiiru Dawle Cabdirashiid Gargaar Oo Ka Warbixiyey Nabadeynta Ay Xukuumaddu Deegaanada Bari Ka Fulisay Iyo Wada Hadalka Khaatumo

Hargeysa(Hubaal)- Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta Goboladda Bariga Somaliland Cabdirashiid  Xuseen Cabdulle (Gargaar), ayaa ka warbixiyey saddex qodob oo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee taladda haysa ay goboladda Bariga Somaliland ka fulisay, waxaanu sido kale ka xog waramay halka ay marayaan wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo u socda halka uu maraayo.

Wasiir Cabdirashiid  Xuseen Cabdulle (Gargaar) oo shalay Xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyadda Somaliland kula hadlaayey Warbaahinta, ayaa tafaasiil ka bixiyey halka uu maraayo wada hadalka Xukuumadda iyo Kooxda Dr Cali Khaliif Galaydh hogaamiyo ee Khaatumo mudooyinkii u dambeeyey u socday, wada xaajoodkaasi oo uu ididiilo iyo rajo wanaagsan ka muujiyey, isaga oo dhinaca kale soo bandhigay saddex qodob oo Madaxweynaha iyo Xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay ay ku horumarinayaan isla markaana dalka intiisa kale ku soo gaadhsiinayaan goboladda Bariga ee Somaliland.

Cabdirashiid  Xuseen Cabdulle (Gargaar)  oo ugu horeyn ka hadlaayey Siyaasadda Xukuumaddu u dejisay gobolada bariga Somaliland waxa uu yidhi “Nabadu adeer waa laba qodob midka 1aad waa mid guddaha ah, waxaana u xilsaaran sida wasaaradda arimaha guddaha Somaliland iyo hay’addaha kale ee amniga dalka, mida 2aadna waa dib u heshiisiinta ta guddaha reeraha ha noqoto ama ta guud ee Khaatumo ha noqoto, saddexdii sanno ee ugu dambeeyey dawladdu xoog badan ayey saartay oo way u soo jeesatay , inta waxa barbar socday si arimahaasi u hirgalaan horumarin goboladda iyo degmooyinka ka socotay oo laga waday iyadana mudo, waa saddexda talaabo ee Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) iyo Xukuumaddiisu qaadatay ayey aheyd, waa saddexda qodob ee uu ugu horeeyo ugu horeyn Amniga in la adkeeyo, dib u heshiisiin iyo dhex dhexaadin reeraha iyo beelaha walaalaha ah dhexdooda laga sameeyo iyo mida 3aad oo ah wada hadal guud in la la bilaabo cidii mucaarid ah iyo Khaatumo saddexda qodoba waxaan odhan kara sidii loo baahna ayey u fulisay xukuumaddu”

Wasiir Cabdirashiid Gargaar oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Degmooyinka ka baxsan gobolka Sool sida Aawr Boogays, Xudun, Boocame, Yagoori, Kala Baydh, Xidh-Xidh, Dharkayn iyo Widh-Widh, waa ilaa 7-ba degmo oo laga bilaabay waxyaabihii Aasaasiga ahaa  iyo caafimaadkii iyo Biyihii iyo Isguuladdii oo waxna dhamaadeen waxna gacanta hada lagu hayo deegaanaddaasi, u jeedaduna waxay tahay bal in arimaha lays dhinac wada bal fikirka kala duwanaashaha Siyaasaddu si is bedel ugu yimaado horumarka nolosha umadda, intii xukuumaddan ka horaysay magaaladda Laascaanood warkeeda waad haysaan waxyaalo hada iska bedelayna waan maqlayana imika, wax badan ayaa iska bedelay dhinaca amniga oo arimo badan oo amni daro oo hore uga dhici jiray deegaankaasi waa ka gudbay, laakiin kolay waxyaalo dhiman iyo dhaliilo waa jiraan waana u soo socota hada dawladdu inay dhameystirkeeda iyo wax ka qabashadeeda ka shaqayso, sido kale arinta Khaatumo waxa jiray Shirar iyo kulamo ka dhacay Caynabo iyo Adisaba ay isku arkeen guddiyo 14  Somaliland iyo Khaatumo dhinacba 7-ba ka socdeen, anigu dhex dhexaadin ayaan ahaa oo xafiiskaasi ayaan qaabilsanahay nabada iyo horumarinta deegaanadda Bariga Somaliland, xoog badan ayey dawladdu arinta saartay waanan u mahadcelinayaa rag badan oo arinta ka shaqeeyey ka sakow go’aa nkii Madaxweynuhu qaatay ee geesinimadda ahaa”

Wasiiru Dawle Gargaar waxa uu inta ku daray isaga oo ka hadlaayey wada hadalka Xukuumadda Somaliland iyo Khaatumo u socda halka uu maraayo, rajada uu ka qabo iyo doorka Faysal Cali Waraabe oo uu amaanay waxa uu yidhi “Runtii mar walbana waxa aad loogu gargaarayaa inay arinta wada hadalka Khaatumo iyo Somaliland midho dhal keento oo rag ka tirsan golaha wasiiradda Somaliland oo ka mid yahay wasiirka Madaxtooyadda iyo wasiirka arimaha dibadda oo xoog badan saaray arintaasi inay najaxdo iyo horumarinta Khaatumo runtii aad ayaan ugu mahadcelinayaa, marka sidaynu ka warqabno shirkii Adisababa qodobo ayaa laysla qaatay way jireen, waxa kale oo jirtay guddidii Farsamo ee labada dhinac isku arkeen dalka Jabuuti ee aheyd in la sii diyaariyo wixii dhiman iyo Ajandaha wada hadalka bisha soo socota laga wada hadlaayo, shirkaasi wuu dhacay oo 4 iyo 4 ayey ayaaheen war wanaagsan ayaana ka soo baxay arinta hada la sugayaa waa Bisha March 20-da Shir dambe inay Somaliland iyo Khaatumo iskugu yimaadaan sida ay u socoto wada hadalkuna waa sidii aanu ka filaynay waan rajaynayaa inay guul ku dhamaato wakhtigeediina way ku jirta in kasta oo dalka Abaaro ka jiraan oo duruufo badani jiraan hadana marnaba laga ma gaabin oo madaxweynaha iyo xukuumaddiisuba xooga ayey saareen, waxa kale oo aan ugu mahadcelinayaa rag xisbiyada Mucaaridka ka mid ah sida Faysal Cali Waraabe oo kale oo arinta oday ka ahaa, waayo arin qaran ayey aheyd xil badana iska saaray ilaa hadana arinta Khaatumo ee wada hadalka aan ka hadhin isagana aad ayaan ugu mahadcelinayaa”

Wasiiru Dawlaha Nabadeynta iyo Horumarinta Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here