Shirkii Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya Oo La Soo Gunaanaday iyo Wasiir Xaashi Oo Ka War Bixiyay
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka war bixiyay safar Toddobaad qaatay oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa ku tegeen wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb galeen shir lagaga wada hadlayay maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya. Shirkan oo ay marti gelisay dawladda Turkigu waxaa labada dal [Somaliland iyo Soomaaliya] kasokow goob-joog ka ahaa hay’adda duulimaadyada u qaabilsan qaramada midoobay ee loo soo gaabiyo ICAO, ayaa wasiir Maxamuud Xaashi warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay is isla meel dhigeen arrimo farsamo oo ku xidhiidhsan maamulka hawada balse aanu jirin wax heshiiis ah amma qoddobo la saxeexay oo gebogabadii ay soo saareen. “Waxaa uu ahaa shir weyn oo dhanka Somaliland ay mas’uuliyiin badani uga qayb gashay” ayaa Wasiirka Duulistu u sheegay warbaahinta shalay mar isaga iyo weftiga uu hogaaminayay ka soo degeen madaarka Hargeysa, waxaanu intaa ku daray “Ma jiro wax Heshiis ah oo aanu kala saxeexannay ama aanu meel ku ururuninay, [waayo] waxaan dareensanahay in aad ogaan lahaydeen [warbaahin ahaan], hase ahaatee wax badan baanu ka wada hadalnay dhinaca Somaaliya, annaga oo kaashanayna Hay’ada ICAO, waxa aan is leeyahay wax badan ayaanu jiclinay”. “Arrimaha hawadu waxay leeyihiin culayskooda oo maaha mid lagu degdegi karo oo caadifad lagaga arrimanayo, waana taas ta loo baahan yahay in ummaddu wada ogaato. Labada dal mid kastaaba siyaasad iyo mabaadii’ ayuu leeyahay oo uu doonayaa in uu hawadiisa ku maamulo waana ta aanu doonayno in labada dal hawadooda loogu soo celiyo, laakiin anagoo duruufaha eegayna oo kaashanayna hay’adda ICAO Wax badan ayaanu arrimihii farsamada isku soo dhawaanay laakiin arrimihii siyaasiga ahaa waxaanu u riixnay oo aanu u daynay in lagaga wada hadlo shirka wada hadalka labada dal”. ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. Maalintii salaasadii ee toddobaadkii hore ayaa ay ahayd markii Wasiirka duulista iyo wafti uu hoggaaminayaa u kicitimeen dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb galeen shirka uu shalay kasoo laabtay ee dawladda Turkigu marti galinaysay.