“Maanta In Madaxweyne Siilaanyo Lagu Sheego Khiyaamoole Ma Ogolin, Kalmadaasina Meesha Ma Qabato”- Xil. Nacnac
Xildhibaan Nacnac oo Raalli-gelin Ka Bixiyey Dhaliilo Uu Guddoomiyaha Xisbigiisu Ku Duray Madaxdaqaranka, Si Gaar Ahna Madaxweynihii Hore Ee JSL Uga Difaacay Eedihii Cabdiraxmaan Cirro Kasoo Yeedhay
Hargeysa (Hubaal ) – Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliand ayaa ka difaacay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhaliilo ku saabsanaa in intii uu xukunka hayay uu dalka ka galay khiyaamo. Xildhbaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo waraysi kooban siiye Hadhwanaagnews oo aanu xalay warkan kasoo xiganay ayaa yidhi “Maanta In Madaxweyne Siilaanyo lagu sheego Khiyaamoole ma ogolin, Mana aha ayaanu leenahay, ninka wadanka u soo halgamay, intaas oo sano u soo halgamayay maanta markii uu hawl gab noqday, in la yidhaahdo Dalkii ayuu khiyaameeyay wax caqliga geli kara maaha, kalmadaasina ma qabato madaxweynihii hore ee Somaliland” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed.