Wax-garad Iyo Salaadiin Kasoo Jeeda Koonfurta Hargeysa Oo Ka Cawday Fulin Kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka

0
28

reer

Hargeysa:(Hubaal)-Salaadiin, waxgarad iyo dhallinyaro kasoo jeedda koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa si weyn cabasho uga muujiyey guri ku yaalla badhtamaha caasimadda oo sheegeen inay maxkamadda gobolka M/jeex fulin cusub kasoo saartay.

Gurigan oo muddo badan muran ka taagnaa, balse hore wareegto madaxweyne looga soo saaray, isla-markaana lahaanshihiisa iyaga loo xukumay, ayey waxgaradkani shaaciyeen inay maxkamadda gobolkka M/jeed xukun cusub oo fulin ah kasoo saartay, taas oo  maslaxad u ah dhinaca kale ee gurigan ku dacwoonaysay.

Mukhtaar Maxamuud Diir-qadhaadh oo ah mulkiilaha gurigan hore loogu cukumay oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ka digay warqadda cusub ee xukunka ee maxkamadda gobolka kasoo baxday, waxana uu hosota ka xarriiqay inay fulintaasi si toos ah uga hor imanayso wareegtadii heerka madaxweyne ahayd ee uu hore madaxweyne Daahir Rayaale uga soo saaray, “xukuumadda axsaabta iyo umaddaba waxanu u sheegaynaa inay warqad fulin ah oo kasoo horjeedda wareegtadii uu madaxweyne Daahir Rayaale gurigaas dhisan soo saartay, gurigaas dhisan ee cidda leh la ogyahayna haddii aanay dawladdu joojin arrintu way xumaan doontaa oo isku dhac beeleed bay keeni doontaa.” Ayuu yidhi Mukhtaar Diir-qadhaadh.

Caaqil Muxumed Cabdi Awe Xaashi oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda Koonfurta magaalada Hargeysa, ayaa si hufan uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray muranka gurigaas ka taagani, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaan wax nuqul ah loo keenin mulkiilaha gurigaas hore loogu xukumay, waxana uu yidhi, “saddexda gole iyo garsoorkaba waxan leeyahay arrintani waa arrin dalka dhibaato ku keenaysa, gurigaasna murankiisu muddo dheer buu socday, dhawr xukun baana ka dhacay, dawladdii Siyaad Barre waxa ay u xukuntay Maxamuud Dheere, tii ugu dambaysay ee dawladdii Daahir Rayaale ayaa ugu dambaysay oo uu ninna dhulka siiyey, ninna dhismaha, imikana waxa lasoo sameeyey fulin la leeyahay guriga hallagu dumiyo, ninka fulinta lagu sameeyo nuqul baa la siin jirey, laakiin ma hayno waxana aanu u aragnaa arrin la doonayo in dadka la isku dhufto.”

 Garaad Mahad oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in mulkiile gurigiisii ku jira laga soo saaro xukun ka dhan ah,“weli lama arag guri dhisan oo mulkiilihii lahaa joogo oo cid kale la siiyo oo loo xukumo, waxana ay keeni kartaa foolxumo badan” ayuu yidhi Garaad Mahad.

Xubno badan oo magac ku leh beelaha deegaanka Koonfurta Hargeysa oo ay xildhibaanno kamid yihiin oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa ka digay hali dhinaca ammaanka ah oo ka dhalan karta xukunka fulinta ee maxkamadda gobolka Hargeysa, waxana ay xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dalkaba uga digeen in lagu degdego fulinta xukunkaas.

Fulinta ay waxgaradkani sida fiinta uga qaylinayaan, ayaa waxa uu ku yaallaa agagaarka masjid-jaamaca Magaalada Hargeysa, waxana xusid mudan in mulkiilaha haatan gurigan ku jira hore uu madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ugu saxeexay wareegto uu ku sheegayo inaan kiiska aqalkaas dib looga hadli Karin, balse waxa haatan soo baxay qaraar fulin ah oo ay mulkiilayaashu si adag u diidan yihiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here