Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka-Qore: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
45

DIINTA IYO NOLOSHA

Qaybti Labaad: Xadiiska Musnadka ah waxa lagu garta:-

  • Musnadku waa ka sanadkiisu xidhiidho, ka warinaya laga bilaabo ilaa Rasuulka CSW laga gaadho. Kala go’na aan lahayn.

Musnadku; waa silsilad isku xidhan ka warinaya ilaa Rasuulka CSW, oo dadka warinaya ay yihiin dad isa so gaadhay oo ugu yaraan hal marna is arkay.

 rakuub

Xadiiska mutasilka ah waxa lagu garta:-

  • Mutasilku waa xadiiska isku xidhan meesha u ka bilaabmo ilaa halka u ku dhamaado.

Musnadku; waxa uu kaga duwan yahay Mutasilka waa isagoo ku dhamaada waa Musnadkee Rasuulka CSW. Haddu ku dhamaado mutasilku Rasuulka CSW wuxu noqonaya Musnad.

Xadiiska Musalsalka ah waxa lagu garta:-

  • Musalsalku waa habka uu u warinayo qofka xadiiska warinaya. Tusaale ahaan wuxu leeyahay Rasuulka CSW wuxu ii sheegay, marku intaa yidhaa ayuu is taagaya (isagoo fulinaya ficilkii Rasuulka CSW). Qofka qof u sheegayana marku u sheegayo qof kale isna sidaaso kale ayuu samaynaya. Tusaale kale Rasuulka CSW qof wax u sheegay markaasu gadhka qabtay. Saxaabigaasi marku qof kale u sheegayana gadhka ayuu qabtay sidii oo kale.
  • Waxa laga faa’iida Musalsalka waa in la ogaado qofkan xusuustiisa.

Xadiiska Casiiska ah waxa lagu garta:-

  • Casiisku waa xadiiska dadka ugu yar ee warinaya ay yihiin laba qof

Wa xadiis xoog badan oo dhawr qof warinayaan. Ileen dadka ugu yar ee warinaya wataa lagu yidhi waa laba qof. Tusaale ahaan waa xadiis u Rasuulku CSW ka dhex sheegay koox saaxaaba ah. Saaxaabadi maqashayna koox taabiciin ah ayey u u sheegen.

Xadiiska Mash-hurka ah waxa lagu garta:-

  • Mash-hurku waa xadiis ay warinayaan wax ka badan saddex qof

Xadiiskani wuu kasi xoog badan yahay Casiiski waayo kaa waxa ugu yaraa laba qof kanna waxa u shardi ah in dadka warinaya ay ka badan yihiin saddex qof. Marka wu ka xoog badan yahay Mash-hurkii.

Xadiiska mucan canka ah waxa lagu garta:-

  • Mucancanku waa qaab lo wariyo xadiiska. Siyaalaha lo wariyo waxa ka mid ah “xadasana” oo ah wuxu noo sheegay hebel. Mucancankuna waxa weeye “can” taaso ah waxa laga haya hebel.
  • Waxa kale oo ay faa’iidaysa “can” in qofka warinaya iyo ka u ka warinayo inay isku xili nolayeen ugu yaraana hal mar ay is arkeen

Xadiiska Mubhamka ah waxa lagu garta:-

  • Mubhamku waa xadiiska ama silsilada qof warinteeda ku jira oo aan la magacaabin.

Mar haddii aan la garanayn qofka silsilada warinta ku jira xadiis kaasi wuxu noqonaya mid daciif ah. Waayo qofkaasi wuxu yahayba la garan maayo. Midse ogow haddii u qofku aanu ahayn qofka warinaya xadiiska se u ku jiro un sida qof aan la garanayn ayaa Rasuulka CSW wax waydiyey iyadoo Saxaabaduna fadhido. Saaxaabada mid ka mid ahina xadiiskan warinayo. La odhan maayo qof aan la garanayn ayaa xadiiska ku jira. Waayo isagu silsilada warinta dhinacna kama haysto.

Xadiiska caaliga ah waxa lagu garta:-

  • Caaligu waa xadiiska lagu gaadho Rasuulka CSW xagga warinta tiro yar.
  • Sheekh kitaab qoray laguna kalsoon yahay.

Caaligu waxa uu u qaybsama laba qaybood mid “mudlaq” oo Rasuulka CSW lagu gaadhayo xagga warinta tiro yar. Mid “nisbi” oo laga daalacanayo sheekh kitaab qoray, sheekhaasi haba dheeraato xagga warinta inta uu Rasuulka CSW u ka tirsanaye. Se sheekhu waa inu ahaada mid lagu kalsoon yahay.

La soco Qaybta Saddexaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here