Cadaado:(Hubaal)-Tartan Dheer kaidb Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ku guuleystay Doorashada Madaxtinimada Maamul-goboleedka Soomaaiyeed ee Galmudug, waxana uu guushaas gaadhay wareegii saddexaad.
Guuleed ayaa ku soo baxay codad gaadhaya 49 cod halka Axmed Macalin Fiqi oo wareegan ay iskugu soo baxeen uu helay codad gaadhaya 40 cod wadarta guud codadku waa 89-cod.
Wasiirro iyo Xildhibaanno Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somalia katirsan ayaa si wadajir ah ugu hambalyeeyay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isagu noqday Madaxweynaha Cusub ee Maamul-goboleedka Galmudug.
Guusha Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa waxa si weyn uga xumaaday Maamulka Puntland oo iyagu kasoo horjeeda Maamulkaas la dhisayo, waxana ay dhinaca Kale ay libin u tahay Dawladda Xasan Sheekh oo ay haatan si weyn isu hayaan Maamulka Puntland.
Inkastoo Cabdikariin Xuseen Guuleed shalay loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug, hadana xooagaga Ahlu Sunna oo Galgaduud qayb kaga sugan ayaa iyaga 1-dii Bishan ku dhawaaqay in Madaxweyne ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir.
Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas, ayaa waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadihii Ra’iisal wasaarayasha Saacid iyo Cabdiweli ee Dawladda Somalia, wuxuuna xilka iskaga casilay culeys uga yimid xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo waxqabad la’aan ku eedeeyay wasaaradda Amniga oo uu wasiir ka ahaa.
Kadib waxaa loo magacabaay La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ilaa iminka ahaa, kadibna waxaa olole weyn loo galay inuu qabto xilka uu maanta ku guuleystay ee madaxweynaha maamulka Galmudug.
Cabdikariin Guuleed waa Xirfadle hawlo badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maareynta, waxaana ka mida:
- Agaasime-Dalladeed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
- Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD ee ku taalla Gudaha Magaalada Muqdisho ee Dalka Somalia
- Guddoomiye Naadiga FPEN oo ah xidhiidh ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
- Wuxuu ku hadlaa Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
Waxaa lagu tilmaamaa inuu saaxiib dhow la yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo xisbi qudha iyo koox ay ka wada tirsan yihiin, shaqsiyad ahaan waa nin af gaaban oo aqoon yahan ah siyaasaddana ku soo biiray waqti danbe isagoo ahaa aqoonyahan waqti badan ku bixiyay arrimaha waxbarashada dalka.