“Wax shaqo ah oo Dawladu ku leedahay Rabshadihii Ka Dhacay Hotel Crown Ma JIrto,waana mid ka dhalatay dadkii xisbiga…..”

0
36

Hargeysa (Hubaal )Xukuumada Somaliland ayaa Markii ugu horeysay ka jawaabtay eedo uu xisbiga Waddani iyo mulkiilaha hotel Crown u jeediyeen xukuumadda taas oo ay ku eedeeyeen xukuumadda inay ka dambeysay Rabshado ka dhacay Maalintii khamiis dhalinyaro aan la garanayn cida soo abaabushay iyo meesha laga soo abaabulay ay rabshad iyo dagaal ka dhex bilaabeen Hoteelka Crown halkaas oo  Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uu xaflad soo dhaweyn ah ugu sameeyay taageereyaal kusoo biiray xisbigaas.

Wasiir   ku-xigeenka   Amniga   Somaliland Cali  Maxamed oo caawa shabakada Wararka ee   Waayeelnews.com waraysi siiyey ayaa  waxba kama jiraan ku tlmaamay hadaladaas ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaridka iyo Waliba Mulkiilaha Hotel Crown ,  kuwa’as oo sheegay inay xukuumaddu masuul ka tahay rabshadihii ka dhacay Xafladaasi,wasiir ku xigeenka Amniga oo ka hadlaya Arrintaasi ayaa waxa uu yidhi “wax alaale iyo Wax ay Dawladu shaqo  ku leedahay oo la xidhiidha rabshadaasi ka dhacday hotel Crown ma jirto,waana  mid  ka dhalatay  iyaga dhexdooda ‘dadkii Xafladaas iskugu yimid,  qaybta galbeedka ee Ciidanka Boolisku wuu ka howl galay  rabshadii waanu  Xaliyey  saldhiga koodbur iyo waliba kan jigjiga yerba way  usoo gurmadeen “ ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka amniga

wasiirka amnigaDhinaca kale mar Wasiir ku xigeenka amniga wax laga waydiyey in ay jiraan dad loo qabqabtey rabshadaasi waxa u sheegay  in arrintaasi ay wajidbkeedi ka guteen hayadaha ku shaqada leh ee Boolisku ”anaga no may sheegin cid  ay  u qabteen ,waxa kale oon leeyahay xisbiga Waddani iska hubsada dadkaad xafladdaha keenaysan sidana cod ku heli maysaane” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka amniga

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here