Mujaahid muse bihi Abdi waa shaqsi u soo halgamay dalkan iyo dadkanba oo ka soo qayb qaatay dib u dhiskii dalkan Somaliland soo maray isagoo door laxaadleh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta iyo halgankii dhisitaanka dalkaba.
Isagoo isla markaana ay u dheertahay bisaylka siyaasadeed ,adkaysi iyo waayo aragnimo dheeraada, hadaba keeba ah siyaasi dalkan iyo dadkuba u baahan yahay inuu hogaamiyo uguna khibrad badan siyaasiyiinta ku tartamaaya xusbiga kulmiye dhexdiisa.
Marka ay saadaasha sidaa u eego waxaan qabaa waxyaabo badan inuu dheeryahay mujaahid muse bihi musharaxiinta kulmiye ha ugu horayso inuu leeyahay mujaahidnimo xusbiga kulmiye dhexdiisa ah oo ku dhereran mudo 12 sanadooda oo uu uga gudbay caqabado badan oo soo food saaray.
Khuburadda daraasadaysa hogaaminta bulshadda waxaa ay tibaaxayaan in qof marmar badan guulaystay ay jiraan talaabooyin maquula oo keenay guushaasi waxaa kaloo lagu qiimeeyaa halkii uu istaagay xilkigii loolanka iyo Caqabadaha xusbiga kulmiye.
Kulmiye waxaa la aas aasay dabayaaqadii 2002, laga soo bilaabo waqtigaas waxa ay dadka badankoodu qabeen xusbi dood badani ka taagan tahay, kaas oo ilaa manta ka dhex socda, waxa se Kulmiye kaga gudbay in dhibaatooyinkaas soo food saaray ka gudbay inaan lagu kala tagin xusbiga, oo aakhirkana lagu kala guulaysto ay inta laga guulaystaa raacdo inta guulaysta.
Waxaan odhan karnaa waa taas waxyaabaha uu xusbiga kulmiye kaga duwan yahay asxaabta kale oo ay dhif iyo nadir tahay in lasku qabsada ama lagu dhex murmaaba.
Waxyaabaha hadaba uu Gudoomiye muse dheeryahay musharaxiinta kale ee ay isu xusbiga yihiin waxaa ka mida:
- Waxaa uu qayb laxaadleh ka soo qaatay dib udhiskii dalka iyo dadkaba
- Waxaa uu haldoor ka ahaa mujaahidiintii ururkii SNM ee dalkan xoraysay.
- Waxaa uu garanayaa qaybaha nolasha bulshadda reer Somaliland
- Waxa uu qayb libaax ka soo qaatay dib u heshiisiintii beelaha reer Somaliland
- Waa shaqsi bisayl Siyaasadeed u leh Hogaaminta Dalka .
Loolankan hadda bilaabmay ee u dhexeeya baarqabka xusbiga kulmiye waa kan ugu muhiimsan mustaqbalkiisa kaas oo ah inuu hantiyo musharaxnimaddada kulmiye si uu isu taago jagada madaxtimo ee wadanka.
W/q: Abdiasiis jama Haji Cami.
Blogger: Hajicami.blogspot.com.
Hargeisa Somaliland.