Hawl-gal Ay Booliska Iyo Waaxda Socdaalku Ka Fuliyeen Hotel Ku Yaalla Bariga Caasimada Oo Lagu Soo Qab-qabtay Koox Qarsoodi Hargeysa Ugu Samayn Jirtay Baasaboorka Soomaaliya
Hargeysa (Hubaal):- Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa gacanta ku dhigay koox Baasaboorka Soomaaliya si qarsoodi ah ugu samayn jiray magaalada Hargeysa iyo qalabkii ay ku shaqeyn jireen galabnimadii Arbacadii. Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gaashaanle sare Dayib Cismaan Caalin oo shir jaraa’id ku qabtay Arbacadii xafiiskiisa Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in dabo-gal ciidamadu maalmahii ugu dambeeyay ku hayeen ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan kooxdan iyo qalabkii ay ku samayn jireen baasaboorada Soomaaliya. “Hawl-gal ciidamaddu wadeen maalmihii u dambeeyey waxay ku soo qabteen qalabkan lagu samaynayey baasaboorka Soomaaliya,”ayuu yidhi Taliyuhu. Taliye Dayib ayaa shaaca ka qaaday inay amar ku bixiyeen inaan dhammaan madaarrada iyo xuduudaha Somaliland lagu soo geli karin, isla markaana lagaga bixi karin baasaboorada Soomaaliya ee ku suntan in lagu bixiyey geyiga Somaliland, waxaanu yidhi“Waxaan amar ku siinay dhammaan madaarrada Somaliland iyo goobaha xuduudaha inaan lagu soo geli karin dalka, isla markaana lagaga bixi Karin baasaboorada Soomaaliya ee ku suntan in laga bixiyey dalka Somaliland.” Kooxdan iyo qalabka ay ku samaynayeen baasaboorka Soomaaliya, ayuu Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ka gaabsaday inuu xaqiijiyo goobta laga soo qabtay, balse waxa uu sheegay inay ka soo qabteen hudheellada Hargeysa barigeeda ku yaal midkood.
Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalku waxa uu intaas ku daray inay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen labaatan qof muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugnaa goobtii kooxdani baasaboorada Soomaaliya ku samayn jireen, dhammaantoodna soo xidheen, isla markaana dhowaan sharciga la horgeyn doono, waxaanu yidhi “Hoolkii baasaboorada lagu samaynayey waxaan ka soo qabanay labaatan qof, inkastoo aanan baadhitaankooda ka hordhacayn, dhowaana sharciga ayaanu horgeyn doonaa.”
Tallaabadan ayaa noqonaysa markii koowaad ee ciidamada amaanku gacanta ku dhigeen kooxo baasaboorka Soomaaliya ku samayn jiray Somaliland, isla markaana wax weyn ka tari doonta arrimaha xoojinta amaanka dalka.