“Waxa Aanu Diidanahayna Waa Qaabka Wax U Dhaceen, Haddii Qaabkaas La Saxona Wada-Hadalku Wuu Sii Socon Doonaa, Haddii Aan La Sixinna Labadaas Garab Buu Xisbigu Ahaan Doonaa,”

0
20

axmed-muumin-seed

Guddoomiye Axmed Muumin Seed

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna guddoomiyaha garabka caddaaladda iyo Toosinta Md.Axmed Muumin Seed, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo uu la qaatay xubno uu guddoomiye Cirro ergo ahaan ugu diray garabka xisbiga cadhada ku maqan ee uu guddoomiyaha ka yahay.

Guddoomiye Seed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha ergada ah u sheegeen mawqifkooda, waxana uu ku adkaystay inuu weli xisbigu laba garab u kala fadhiyo,“ergada guddoomiyuhu soo diray way isoo gaadhay, waxana ay ahaayeen laba xubnood oo hoggaanka ah iyo Xirsi bay ahaayeen  mawqifkaygu halkuu taagan yahayna waan u sheegay ergooyinkuna way badan yihiin, laakiin weli ergo saxday ma hayno, waayo annagu ma nihin shakhsiyaade xisbigii laba garab baanu nahay oo kala ah garab uu guddoomiyuhu hoggaaminayo iyo garab aan anigu hoggaaminayo, garabkayaguna waa garabka caddaaladda iyo toosinta iyo garabka caddaalad-darrada ee aanu k animi.”ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Mudane Seed waxa uu faahfaahin ka bixiyey korodhsiimo sharciga ka ka baxsan oo uu guddoomiye Cirro ku sameeyey tiradii rasmiga ahayd ee golaha dhexe ee xisbigu ahaan jirey, waxana uu ku adkaystay inay xaaraan yihiin natiijo kasta oo kasoo baxday shirkii golaha dhexe ee xisbiga iyo ciddii la doortayba, waxana uu yidhi,“Shirkii golaha dhexe ee Ambassador ka dhacay wixii kasoo baxay caddaal-darray ahaayeen, sababtuna waa xubnaha golaha dhexe ee aanu guddoomiyaha isku ogayn waxay ahaayeen 251-xubnood, markii dambena 200-xubnood oo kale ayaanu ku darnay, laakiin waxa lagu sii daray oo laga dhigay 809-xubnood aan cid ansixisay iyo meel ay ka yimaadeen aan la garanayn, cidda halkaas lagu doortay iyo waxa kasoo baxayba waxanu u aragnaa wax xaaraan ah, ilaa xisbiga sharciyaddiisii lagu soo dabaalana halka aanu taaganahay baanu taagnaan doonaa.”

Axmed Muumin Seed waxa uu sheegay in garabkiisu xubnaha ergada ah u sheegay inaanay wada-hadalladu natiijo yeelan doonin ilaa  inta la saxayo qaabkii uu shirka golaha dhexe u dhacay, haddii aan sixitaan dhicinna uu xisbigu labadaas garab ahaan doono,“anigu guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee xisbigaan ahay, waxa aanu diidanahayna waa qaabka wax u dhaceen, haddii qaabkaas la saxona wada-hadalku wuu sii socon doonaa, haddii aan la sixinna labadaas garab buu xisbigu ahaan doonaa, ilaa arrintaas la xalliyana halka aanu taaganahay ayaanu taagnaan doonaa.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here