Waxaan halkan ka caddaynayaa oon waliba tageersanahay baaqyada ka soo baxay Madaxdhaqmeedka, Salaadiinta, Cuqaasha Aqoonyahannada, Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo Dhallinyaradda ka soo jeedda beelaha sheekh Muuse Dhariyo, gaar ahaan shirarkii ballaadhnaa oo ay ku yeesheen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Boorame, Gabiley, Oodweyne, Sanaag iyo Burco. isla markaana ay ku muujiyeen taageeradii ay horeba ugu hayeen xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo ay caddeeyeen in aanay waxba iska beddelin beeluhuna ay ka midaysan yihiin taageeradaasi ay awalba u hayeen xisbiga iyo xukuumadiisaba.
Haddaba, haba yaratee ma jirto cid Sheegan karta Suldaan, Jiif-Caaqil (Chief Caqil) ama Ugaas, kuna hadli karta magaca Beelaha Muuse Dhariyo oon ahayn Salaadiinta Guud ee Beelaha Muusa Dhariyo oo kala ah Suldaanka Guud Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaacil, Ugaaska Guud Ugaas Bashiir Cabdi Cabdilaahi Iyo Jiif-Caaqilka Guud Ee Beelaha Muuse Dhariyo Jiif Xaaji Cabdi Cige Huube iyo Salaadiinta kale beelaha Muuse dhariyo . Iyadoo uu doonayo Xisbiga WADDANI Inuu Majara-habaabiyo Madaxdhaqameedkii Beelaha Muuse Dhariyo, waayo waxa jira xubno been abuur ah oo doonaya inay ku shaqeystaan Magacood. Sidaa darteed, waxaan aan leeyahay Xisbiga WADDANI waxa ay galeen hawlo dhaqan oo ka baxsan shaqadii siyaasada ee loo igmaday, maadaama kooxda WADDANI ka mid ahi ay gashay hawlo ka baxsan shaqadoodii, sidoo kalena uu baal marsan yahay nidaamka asxaabta badan (multi party system) ee aynu qaadanay kaasi oo lagu doonayo in aynu kaga baxno qabyaalada, waxaanan kula talin sumcadii xisbi qaran meelbaad kaga dhacdeen,sharaf darona waad u horseedeen milgihii iyo sharaftii qaranku lahaa ee bal dib isugu noqda.
Sidaas darteed, waxa aanu halkan ka cadaynayaa in aannu codkayaga la garab taagnahay xisbigaKULMIYE oo uu hormood u yihiin Murrashaxa Madaxweyne Md. Muuse Bixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaa Cabdilaahi Saylic. Waxa aanu leenahay midho gunti ku jira ,looma daadiyo mindho geed saaran , ee dabkii baxayaa dabkaa lagu qabsadaa ayaannu tareenku idinka tagin ee u hore u soo gaadha.
Guddoomiye-ku-xigeenka Guddida beelaha Muuse Dhariyo
Garyaqaan Muxiyadiin Maxamed Cabdi .
Hargeysa/Somaliland