“Waxa Aanu Tab Iyo Xeel Isugu Geynaynaa Oo Aanu Geed Dheer & Mid Gaabanba U Fuulaynaa Sidii Uu Axmed Noogu Soo Biiri Lahaa”

0
28

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay gorgortanka axsaabta qaranku ugu jiraan inay kusoo jiitaan siyaasi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan shaaciyey inuu dacalka qabsanayo markabka laga hago siyaasadda Somaliland. Guddoomiye Muuse Biixi oo u warramay   Telefishanka HCTV, ayaa   sheegay in isaga iyo xisbigiisuba halgan ugu jiraan sidii ay usoo jiidan lahaayeen aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka dhex hillaaco mid kamid ah saddexda xisbi-qaran ee Somaliland ka jira, muuse biixi“Axmed Ismaaciil waan la kulmay oo waan la kulmi doonaa oo waan ku noqnoqon doonaa oo waxa aan tab iyo xeelba iskugu geyn doonaa inuu xisbigayga kusoo biiro oo uu annaga na taageero mar haddii uu siyaasadda hunguraynayo inuu kusoo biiro.” Ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Axmed Ismaaciil geed dheer iyo geed gaabanba  waanu u fuulaynaa haddii aanu KULMIYE nahay sidii uu noogu soo biiri lahaa,” Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka marag kacay culayska iyo miisaanka uu aqoon  yahan Axmed Ismaaciil Samatar kusoo kordhin karo saaxadda siyaasadda Somaliland, taasina sabab u tahay in xisbiyadu isku garbiyaan, “Aniga iyo Saylici iyo reer KULMIYE oo dhammi waxa aanu halgan ugu jirnaa inuu nagala shaqeeyo Kulmiye, waayo waa siyaasi weyn oo magac leh, xisbiyada oo dhammina tartan bay ugu jiraan.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiyuhu waxa uu meesha ka saaray in rabitaanka KULMIYE ee la xidhiidha prof. Axmed Ismaaciil Samatar salka ku hayso in lagu beddelo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliand mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxana uu yidhi,“Axmed Ismaaciil ugu yeedhi mayno in dhexdayada uu muran ka dhashee waxanu ugu yeedhaynaa inuu na taageero.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here