“Waxa AMISOM Iyo NISA Lagu Wargalinayaa In Ay Garoonka Ka Joojiyaan Weriyeyaasha Muqdisho”

0
64

Wareegto Cayiman Oo Maamulka Aadan Cadde Airport Uu Weriyeyaasha Kaga Mamnuucday Madaarka

maxresdefaultMuqdisho (Hubaal)- Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inaan Muddo Lixdan Cisho ah Warbaahinta loo ogaleyn Gudaha Madaarkaas. War Qoraal ah oo shalay Galinkii dambe uu soo saaray Mareeyaha Madaarka Muqdisho Janaraal Cabdi Ashkir Jaamac ayaa lagu caddeeyay in dhammaan Warbaahinta madaxa banaan iyo ta dawlada laga joojiyay Madaarka Muqdisho. “Maamulka Garoonka Aadan Cade marka uu arkay Dhibaatooyinka Amni darteed waxaa uu go’aansaday in Wariyeyaasha warbaahinta kala duwan ee Muqdisho aanay soo galin Madaarka Muddo 60 cisho ah”Ayaa lagu Yidhi wareegtada kasoo Baxday Xafiiska Mareeyaha Madaarka Muqdisho, waxaanu intaasi ku daray “Waxaa lagu wargalinayaa laamaha amniga garoonka sida Amisom, Booliiska iyo Nisa in la joojiyay Imaatinka wariyeyaasha ka hawlgala Warbaahinta Muqdisho oo dhan”. Waxaa lagu sheegay wareegtadan in cidii jabisa Go’aankaasi ay mutaysan Doonto Xadhig, ganaax iyo in laga mamnuuco Garoonka Aadan Cade “ Haayadaha amniga waxaa la farayaa inay Fuliyaan Wareegtadan”ayaa lagu Yidhi Qoraalka kasoo Baxay Xafiiska mareeyaha madaarka Muqdisho.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here