“Waxa Burco Loo Adeegsaday Budhkii Awalba Lagu Yaqaannay Ee Maraaryaha Lahaa Iyo Faashash & Toorriyo, Dhaawacuna Tiro Malaha”

0
76

Maamulka Gobolka Togdheer Oo Bulshada Ka Mamnuucay Adeegsiga Agab Ay Budka & Ableydu Ka Mid Yihiin Iyo Guddoomiye Ramaax Oo Sababeeyey 

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha gobolka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa ka hadlay khasaareyaal nafeed oo ka dhashay weerarro dhallinyarada magaalada Burco dhex mara oo loo adeegsado hubka fudud ee Toorriyaha, Faashashka iyo Mindiyuhu kamidka yihiin. Guddoomiye Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in bishan gudaheeda magaalada Burco gudaheeda lagu dilay shan qof oo dilkooda loo adeegsaday agabka hubka fudud, isla markaana tiro kale oo intaas le’eg la dhaawacay, waxana uu yidhi,“Dhimashada gobolka Togdheer ka dhacday ee aan xabbad ahayn ee mindi, faash ama budh sababay waa Shan, dhaawacuna tiro ma laha, waana intii bishan uun, waxana la adeegsanayaa hub wax dila, waana faash, Toorrey iyo budhkii maraaraha lahaa ee awalba Burco lagu yaqaanay.” Guddoomiyuhu waxa uu magaalada ka mamnuucay agabkaas Budhka, Toorreyda iyo Faashka iskugu jira in lagu dhex arko, waxana uu gaadiidleyda uga digay inay qaadaan dad agabkaas IMG_BA6550-A71A84-D6B9E9-E82B8D-F6955E-9166F6sita,“Dhammaanba gaadiid waa laga baadhayaa agabkaas oo dhan, waxana ay lamid yihiin qoriga, gaadhiga uu Faash ku jirona faashka waa laga qaadaya, tallaabo adagna waanu ka qaadaynaa,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax. Sidoo kale guddoomiye Ramaax waxa uu farriin u diray goobaha agabkaas iibiya eek a ganacsada, waxana uu usoo jeediyey inay ka iibiyaan oo kali ah dadka shaqadoodu agabkaas la xidhiidho, waxana uu yidhi, “Meheradaha agabkaas iibiyana waxanu leenahay cidda laga iibinayaa waa inay noqoto ciddii ay shaqadooda ahayd, kuwa gudmaha afeeya iyo kuwa toorriyaha sameeyana waa inay sidaas yeelaan, haddii aanu helnona kuwa sita ayey lamid yihiin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here