“Waxa jira fikir guud ee sheegaya inay dad ku takri falaan hantida umadda, waana wax loo baahan yahay in qarankani …….”Xil.Naasir Cali-shire

0
83

naasir cali shire

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha guddida ilaalinta iyo dabagalka Hantida qaranka ee Baarlamaanka Somaliland xildhibaan Naasir Cali-shire, ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan ay shalay la yeesheen xisaabiyaha guud ee qaranka, waxana uu sheegay inay guddida iyo xisaabiyuhu isla qaateen muhiimadda ay leedahay inay si wada jir ah uga wada qayb qaataan baadhitaannada hantida umadda iyo dabogalkeeda.

Xildhibaan Naasir Cali-shire, waxana uu tilmaamay inay xisaabiyaha guud ee qaranka ka codsadeen inuu qaybtiisa ka qaato dabagalka dadka hantida qaranka lagu tuhmo, waxana uu yidhi, “Xisaabiyaha guud ee qaranka waxanu kala hadlanay sidii ugu qayb qaadan lahaa dadka lagu tuhmayo musuqmaasuqa iyo sidii loo yarayn lahaa, xisaabiyaha guudna waxa soo mara dhammaanba waarannada wasiirradu doonayaan inay ku isticmaalaan lacagtii miisaaniyadda qaranka ugu jirtey.”

Guddoomiye Naasir waxa uu shaaca ka qaaday in sanadkan wasaaradaha xisaab-xidhada soo gudbinayo looga fadhiyo inay keenaan caddaymo la xidhiidha qaabkii ay lacagaha u isticmaaleen, “Waxa noosoo baxday in sanad walba marka xisaab xidhada naloo keenayo lasoo raaciyo dokumentiyo warar dheeraad ah ka bixinaya buugga xisaab xidhku ku qoran tahay oo imika qaab nambarro uun ah noogu yimaadda,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali-shire.

Xildhibaan Naasir Cali-shire waxa farta ku fiiqay inuu jiro mad-madow ku jira xisaab xidhada wasaaradaha qaarkood, maadaama aan la haynin meesha lagu isticmaalay hadhaa kasoo hadhay miisaaniyadaha wasaaradaha qaarkood,“Xisaab-xidhadii hore waxanu ka aragnay in miisaaniyaddii la qoondeeyey waxa soo baxay dakhli dheeraad ah, markii miisaaniyaddii la isticmaalayna hadhaa baa kasoo hadhay, marka labadaas la isu geeyona waa inay noqotaa hanti umadda usoo hadhay oo miisaaniyadda dambe ee cusub lagu soo daro, xisaabiyahana waxanu u sheegnay inuu lacagtaas ka war hayo, waxase uu noo sheegay inay lacagtaasi keyd qaran noqoto ama ay hadhaa noqoto, laakiin waxanu halkan ka caddaynaynaa inaanu jirin wax bajet dheeraad ah oo weligii golaha la keenay.”

Naasir Cali-shire waxa uu sheegay inaanay wax fudud ahayn in la helo cidda xatooyada samaynaysa, maadaama ay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee qaranku xidhiidho maaliyadeed leeyihiin, waxana uu yidhi,“Guddi ahaan marka aanu xaq u leenahay dabogalkii waxanu diyaarinaa warbixin ku saabsan xogta aanu ogaanay, xogtaasina waxa ay kalliftaa inaanu ninka masuulka ah u yeedhno mar, laba iyo saddex, isaguna marmarka qaarkood  war buu sheegayaa ah inay lacagtaasi meel kale gashay, haddana waa inaad masuulkii kalena u yeedho, markaa ma dhib yara inaad mar kalilya soo dhiraandhiso inuu masuulkaasi  musuqmaasuq galay.”

Xildhibaan Naasir waxa uu si cad u sheegay inay bulshadu qabto tuhun ah inuu jiro musuq xoolaha umadda lagu hayo,“Waxa jira fikir guud ee sheegaya in dad ku takri falaan hantida umadda, waana wax loo baahan yahay in qarankani inta yare e uu helo loo tashiilo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here